25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Culimo sabab yaab leh loogu dilay Shabeellaha Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Warshiikh (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday culumaa’udiin ku sugnaa deegaanka Xaloole, oo hoos taga degmadaasi.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay illaa afar wadaad halka afar kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen, waxaana la xaqiijiyay in mid kamid ah dhaawacyada uu yahay canug yar.

Culumaa’udiinka la weeraray ayaa la sheegay inay deegaanka u joogeen quraan saar, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday, iyagoo tilmaamay in maleeshiyaadka geystay weerarka ay ahaayeen kuwo si beeleed u abaabulan oo markiiba goobta ka cararay.

Maamulka degmada Warshiikh ayaa la sheegay inuu si deg-deg ah ugu baxay goobta weerarku ka dhacay, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu raadraacayo kooxdii falkaasi geystay. Ciidamo ka tirsan maamulka degmada ayaa hadda ku sugan deegaanka si loo xaqiijiyo ammaanka.

Weerarkan ayaa argagax ku abuuray shacabka deegaanka Xaloole, kuwaas oo si weyn uga naxay dhacdadaasi oo ay ku tilmaameen mid waxashnimo ah oo lagu beegsaday dad aan wax dambi ah galabsan. Bulshada deegaanka ayaa walaac ka muujisay kororka weerarada noocaan ah.

Dhacdadan ayaa dib u xasuusisay fal kale oo isla deegaankaasi ka dhacay dhammaadkii sanadkii 2022, markaas oo dad ka soo jeeday hal qoys si lamid ah loo weeraray, taas oo la sheegay inay salka ku haysay aano qabiil. Waxaana muuqata in weerarada noocan ah ee salka ku haya qabyaaladda ay weli halis ku yihiin nabadda gobolka.

Shacabka iyo odayaasha deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo maamulka gobolka inay tallaabo adag ka qaadaan kooxaha hurinaya colaadaha beelaha, si loo yareeyo rabshadaha soo noq-noqda ee ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxay sidoo kale dalbadeen in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeno dambiilayaashii weerarkaasi geystay.

- Advertisement -

Read more

Local News