Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ay magaalada Muqdisho ka furmi doonyo gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynahaa Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madashaan oo maanta uu dib u dhac ku yimid ayaa waxaa maalinta berri ah ka qayb-gelaya wafuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibadda, sida ay shaacisay Villa Somalia.
“Waxaa dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia, ayna baahisay warbaahinta dowladda.
Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi kula yeelanayaan indheer-garadka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh qaranka, sida midnimada dalka, amniga, dastuurka iyo doorashada.
Dadka dhaliilsan gogoshan waxay ku eedeeyeen dowladda iyo hoggaankeeda in ay u adeegsaneyso wada-hadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballan-qaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoodda.