25.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xundubey oo si weyn u taageeray qorshaha Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa taageero wayn u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo soo dhaweeyay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka dalka.

Xundubey mar ahaa mucaarad ayaa haatan si weyn u boggaadiyay in dalka la gaarsiiyo qof iyo cod, wuxuuna farriin culus u diray mucaaradka diidan qorshaha Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa kula taliyay siyaasiyiinta mucaaradka inay yimaadaan miiska wada-hadalka, ayna aragtidooda kusoo bandhigaan gogosha u dhigay Madaxweynaha.

“Gogosha uu Madaxweyne Xasan Sheekh fidiyay oo hadda taalla cid kasta oo waddankan u haysa waxtar ha timaado, qofkii imaan waayo waxaan u arkeenna in uusan aragti haynin, mana haboona inuu luuqyada ku war-wareegsado” ayuu yiri Xasan Xundubey Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in lagu gaari karo in dadkeeda ay soo doortaan hoggaankooda, si ay iyaga usoo xushaan wakiiladooda.

“Waxaan u baahanahay magaaladan inay doorato dadkii hoggaamin lahaa, si maqaamka ay leedahay maqaam ay jaranjaro ugu korto, si ay ugu gaarto hadafkeeda” ayuu sii raaciyay.

Xasan Xundubey Jimcaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan amniga caasimada uu yahay mid wanaagsan, isla markaana ay martigelin karto doorasho nabad ah, isaga oo uga mahadceliya hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waa xilligii ugu fiicnaa amniga, waxaana uga mahadcelineynaa ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan iyo hoggaankooda, waana xilli ay geli karto doorasho nabad ah oo la hubo, sidaas darteed aan ilaashano amniga” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli khilaaf uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, waxaase laga war sugayaa shirka uu baaqay Xasan Sheekh oo saacadaha soo socda ka furmi doono Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News