Muqdisho (Caasimada Online) – Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashooyinka 2026.
Gogoshan oo muddo la sugayay ayaa haatan wajahaysa arrin lama filaan ah, kadib markii hoos uga dhacday sidii la filayay inay u qabsoonto, islamarkaana aysan ka muuqan xubno saameyn leh.
Cumar, oo ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah ee ka qeyb-galaya shirka, ayaa qiray in gogosha ay ka muuqato hoos u dhac weyn, isla markaana siyaasiyiintii mucaaradka ay ka maqan yihiin, taasoo, sida uu sheegay, carqaladeyn karta natiijadii la filayay in laga gaaro wadatashiga socda.
“Maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa lagu jiraa, balse sida ka muuqata, miisaankii iyo maqaamkii laga filaayay ma laha, maadaama siyaasiyiintii mucaaradka ay ka maqan yihiin. Laakiin waxaa fadhiya qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah — odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo siyaasiyiin hore,” ayuu yiri Cumar.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ilaa hadda gogosha lagu soo bandhigay kaliya waxqabadka dowladda, ayna aad u yartahay fursadda siyaasiyiinta iyo bulshada loogu oggol yahay inay ku soo bandhigaan talooyin la xiriira hanaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
“Ilamaa iyo hadda, dowladda ayaa soo bandhigeysa waxqabadkeedii iyo howlaha ay rabto. Laakiin fursadihii looga doodi lahaa nooca doorashada, hannaanka wax ka beddelka dastuurka, iyo arrimo badan oo bulshada dhexdeeda guux ka jiro oo talo ahaan loo bixin lahaa, weli ma muuqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ujeeddada weyn ee loo qabtay shirka ayaa ah in xal waara laga gaaro ismariwaaga taagan, hase yeeshee waxa muuqata in taas laga sii fogaanayo, iyadoo mucaaradku weli dibadda joogo.
Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa doorashada, iyadoo Villa Somalia weli ku adkeysaneyso nidaamka qof iyo cod, halka mucaaradka ay ka muujinayaan walaac xooggan.
Siyaasiyiinta mucaaradka, oo gabi ahaanba ka baaqday shirka Madaxweyne Xasan, ayaa ku eedeeyay in uusan daacad ka ahayn wada-hadal lagu xallin karo khilaafaadka taagan.
Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto ama meesha ay ku dambeyn doonto xiisadda taagan, oo u muuqata mid sii cakirmeysa, maadaama weli aysan shirka ka qeybgalin Jubaland iyo Puntland.