26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

SSC-Khaatumo oo soo bandhigtay 23 dhallinyaro ah oo kufsi wadareed gaystay

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska Laascaanood ayaa maanta soo bandhigay 23 dhalinyaro ah oo loo haysto in habeen hore ay kufsi wadareed laba gabdhood ugu gaysteen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhalinyaradan ayaa waxaa 48 sacaadood kadib gacanta kusoo dhigay Booliska Khaatumo, iyada oo sidoo kale la shaaciyay sawirradooda, welina waxaa la raadinayaa hal eedeysane oo baxsad ah.

“Waxaan bulshada reer ssc u cadaynaynaaa in dhacdadaas foosha xun ee kufsiga iyo jidh dilka ah ay ciidan ka boolisku ka hawl galeen waxaana 48 saac gudohood ay gacanta kusoo dhigeen 23 kamid ah eedaysanayashii, 1 eedaysane oo baxsqd ahna lagu raadjoogo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska ee SSC-Khaatumo.

Sidoo kale Booliska ayaa ballan qaaday in raggan ay wajihi doonaan cadaaladda, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, si loo maxkamadeeyo.

“Sidaa darteed waxaanu bulshadda u cadaynaynaa in dhammaan 24ka eedaysane ay wajihi doonaan cadaaladda jeerkaasna la hor gayn doono Laamaha garsoorka iyo cadaaladda Dowlad goboleedka SSC-Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka

Dhinaca kale, arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan iyo cambaareyn, iyada oo si aad ah baraha bulshada loogu baahiyay tacaddiga loo gaystay labada gabdhood.

Fahiima Qooje oo kamid ah gabdhaha caanka ah eee reer SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda soo jeedisay in la ciqaabo dambiileyaasha, isla markaana lagula xisaabatamo falkaasi.

“Waxaan si adag uga xumahay Kufsiga loo geystay labada gabdhood waa dambi laga naxo, mana aha wax laga aamuso. Waa dhacdo ugub ku ah magaalada, waana in laga qaado tallaabo adag” ayay tiri Fhiima.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waxaan si buuxda u cambaareynayaa falkaas. Waxaan sidoo kale u taaganahay garab istaagga gabdhaha Soomaaliyeed iyo ilaalinta xuquuqdooda.

- Advertisement -

Read more

Local News