27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Arrinta lama filaanka ah ee deg deg u dhameyn karta dagaalka IRAN iyo Israa’iil

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Tan iyo Jimcihii, is-weydaarsi hub oo aad u daran ayaa in ka badan lix jeer ka dhacay cirka sare ee Israa’iil: Gantaallo riddo dheer oo Iiraani ah ayaa si xawli ah u soo dhacay, iyadoo difaacyada cirka ee Israa’iil ay sare u kacayaan si ay u soo ridaan intooda badan – balse aanay dhammaan ka hortegin.

Su’aasha muhiimka ah waxay tahay: intee in le’eg ayay labada dhinac awoodaan inay sii wadaan dagaalkan? Jawaabta su’aashan ayaa laga yaabaa inay go’aamiso muddada uu socon karo isku dhaca.

Mas’uuliyiinta sirdoonka Israa’iil ayaa qiyaasay in Iiraan ay haysato illaa 2,000 oo gantaal oo gaari kara 1,200 mayl si ay u garaacaan Israa’iil. Laakiin tiro badan oo ka mid ah gantaalladaas ayaa la burburiyay isla markiiba, kaddib markii sirdoonka qarsoon ee Israa’iil ee ku sugan Iiraan iyo diyaaradahooda dagaalku ay bilaabeen weerar lama filaan ah oo dhacay waaberigii Jimcaha – taasoo si rasmi ah u billowday dagaalka.

Tan iyo markaas, saraakiisha ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in Iiraan ay ridday ku dhowaad 400 gantaal oo ka mid ah kaydkeedii harsanaa, iyadoo weerarada Israa’iil ay burburiyeen 120 ka mid ah goobaha laga tuuro gantaallada, taasoo u dhiganta saddex meelood meel. Sidoo kale, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa Isniintii shaaciyay in ay si degdeg ah ku gaareen hanashada maamulka cirka ee Tehran, taasoo xaddidaysa awoodda Iiraan ee weerarada gantaalka.

Durba waxaa hoos u dhac weyn ku yimid baaxadda weerarada Iiraan. Halka ay habeenkii ugu horreeyay ee Jimcaha ridday in ka badan 150 gantaal, Talaadadii galabkii waxay ridday 10 kaliya.

“Iiraan waxay hadda wajahaysaa xisaab aad u adag, maxaa yeelay waxay haystaan tiro xadidan oo gantaallo ah, waxaana la eegi karaa xawaaraha ay wax ku ridayaan. Ma awoodayaan inay si degdeg ah u buuxiyaan gantaallada,” ayuu yiri Fabian Hinz, oo ah falanqeeye ciidan oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatijiyadeed (International Institute for Strategic Studies).

Hinz wuxuu xusay in xitaa 150 gantaal ee la riday Jimcihii ay ka yaraayeen 200 gantaal oo ay Iiraan ku weerartay Israa’iil bishii Oktoobar, kadib dilkii ay Israa’iil u geysatay hoggaamiyayaal ka tirsan Hamas iyo Xisbullah.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyeyaasha Israa’iil waxay ka digeen in in ka badan kala bar kaydkii gantaallada Iiraan uu weli yahay mid aan la taaban, iyadoo aan la ogeyn inta laga qarxiyay bakhaarro dhulka hoostiisa ah.

Inkastoo Israa’iil ay si weyn u wiiqday awoodda weerar ee Iiraan, haddana difaac sameyntu waxay ku kacaysaa dhaqaale fara badan. Wargeyska dhaqaalaha ee ugu weyn Israa’iil, The Marker, ayaa daabacay in difaaca gantaallada uu Israa’iil ku kacayo illaa 1 bilyan shekel habeenkii, oo u dhiganta qiyaastii $285 milyan.

Arrintaas darteed, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in dagaal jiidasho dheer ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan uusan suuragal noqon karin – ugu yaraan heerka hadda ee weerarada.

Iyadoo aysan jirin sahay ka timaadda Mareykanka ama faragelin weyn oo ka timaadda ciidamada Maraykanka, qaar ka mid ah qiimeynta sirdoonka ayaa sheegaysa in Israa’iil ay difaaceeda gantaallada sii wadan karto 10 illaa 12 maalmood haddii Iiraan ay sii waddo weerarada heerka hadda ah, sida uu sheegay qof xog ogaal u ah warbixinaha sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil.

Wuxuu intaas ku daray in xitaa laga yaabo in dhammaadka toddobaadkan, nidaamyada difaaca Israa’iil aysan awoodin inay qabtaan dhammaan gantaallada, sababo la xiriira baahi loo qabo in la keydiyo hubka difaaca. “Waxaa khasab ku noqon doonta inay doortaan kuwa ay doonayaan inay joojiyaan,” ayuu yiri qofkaasi, isagoo codsaday inaan la magacaabin sabab la xiriirta xasaasiyadda mowduuca. “Nidaamku durba wuxuu dareemayaa culays badan.”

Tal Inbar, oo ah khabiir ku takhasusay gantaallada kana tirsan ururka Missile Defense Advocacy Alliance ee gobolka Virginia, Mareykanka, ayaa xusay in sanadkii 2014, Israa’iil ay dooneysay xabbad-joojin ay la gasho Hamas maalmo kahor inta aysan ka dhammaan gantaallada difaaca cirka. Xogta ku saabsan tirada kaydka gantaallada difaaca waa arrin aad u xasaasi ah gudaha Israa’iil, balse Inbar wuxuu sheegay in “ay tani noqon karto qodob sababa xabbad-joojin mar kale.”

Israeli waxay adeegsataa nidaam difaac oo ah mid dabaqyo badan leh, oo ay ka mid yihiin nidaamka caanka ah ee Iron Dome, kaasoo qabta gantaallada duulaya meel hoose; nidaamka David’s Sling iyo Arrow; iyo sidoo kale nidaamyada qaaliga ah ee Patriot iyo THAAD oo ay siisay dowladda Mareykanka.

Inbar wuxuu sheegay in dhibka Israa’iil heysta uu yahay inay si weyn ugu tiirsan tahay nidaamka Arrow, oo ah mid aad qaali u ah – gantaal kastaa wuxuu ku kacayaa $3 milyan – si ay uga hortagto weerarada Iiraan. Halka Iron Dome uu si weyn waxtar ugu leeyahay ka hortagga gantaallada fudud ee ay ridaan Hamas, haddana gantaallada culus ee Iiraan ee ku socda xawaare sare ma kala joojin karo. Inbar wuxuu yiri: “Iron Dome wuxuu la mid yahay qof ku ridaya bastoolad 9mm ah gantaal hawada sare ku socda.”

Jimcihii habeenkii, nidaamyada difaaca Israa’iil ma aysan joojin gantaallo Iiraani ah oo si dirqi ah uga leexday xarunta Taliska Ciidamada Israa’iil (IDF), balse waxay si toos ah u garaaceen bartamaha magaalada Tel Aviv. Habeenkii Axadda, gantaal kale ayaa ka saaray shaqada warshad sifeynta shidaalka ee ku taal Haifa.

Talaadadii subaxnimadii, muuqaallo laga duubay meel u dhow oo lagu baahiyay baraha bulshada – kuwaasoo ay The Washington Post xaqiijisay – ayaa muujinayay afar gantaal oo Iiraani ah oo ku dhacay agagaarka xarunta sirdoonka Israa’iil ee waqooyiga Tel Aviv. Inkastoo aysan gaarin xarunta Mossad, gantaalka mid ka mid ah ayaa si toos ah ugu dhacay xero ciidan oo la yiraahdo Camp Moshe Dayan, oo la rumeysan yahay inay hoy u tahay cutubka sirdoonka millatari ee Israa’iil iyo Unit 8200 – unugga ugu sarreeya ee sirdoonka isgaarsiinta ee dalkaasi.

Warbaahinta dowladda Iiraan waxay baahisay sheegashada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (Islamic Revolutionary Guard Corps) oo sheegtay inay dileen saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka iyo ciidamada Israa’iil, hase yeeshee lama xaqiijin sheegashadaas. Ciidamada Israa’iil (IDF) weli kama aysan jawaabin codsi arrintan ku saabsan.

Ilaa Talaadadii, dowladda Israa’iil waxay sheegtay in kaliya 35 ka mid ah 400 gantaal oo ay ridday Iiraan ay gaareen bartilmaameedkoodii – taasoo la micno ah heer guul difaac oo ka badan 90%. Dowladda ayaa intaas ku dartay in 24 qof la dilay, halka in ka badan 600 kalena ay dhaawacmeen.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in ilaa Axaddii, ay 224 qof ku dhinteen weerarada Israa’iil – waana xogtii ugu dambeysay ee la helay. Lama kala saarin dhimashada shacabka iyo ciidamada. Xaalado badan, gantaallada iyo drones-ka Israa’iil ayaa si toos ah u garaacay dhismayaal dabaqyo ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan iyo saynisyahanno ka tirsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Isniintii, Israa’iil ayaa weerartay xarunta warbaahinta dowladda Iiraan, kadib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu ballan qaaday in “afhayeenka borobogaandada Iiraan” uu “baaba’i doono.” Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in weerarkoodu uu beegsaday “xarun isgaarsiineed oo millatari oo Iiraan leedahay,” balse ma aysan soo bandhigin caddeyn muujinaysa joogitaanka millatari ee goobtaasi.

Jim Lamson, oo horey u ahaan jiray falanqeeye sirdoon oo ku takhasusay hubka Iiraan, haatanna ah cilmi-baare sare oo ka tirsan xarunta James Martin Center for Nonproliferation Studies ee Jaamacadda Middlebury, ayaa sheegay in awoodda gantaallada Iiraan ay sii wiiqmi doonto haddii Israa’iil ay sii waddo weerarada ay ku bartilmaameedsanayso xarumaha wax-soo-saarka gantaallada.

“Haddii aanay jirin isbedel ku yimaada xukunka Iiraan, ama haddii aanay ogolaan in ay gantaalladooda ka tanaasulaan oo qayb ka ah xabbad-joojin, waxay wajaheysaa caqabad weyn oo ku saabsan dib-u-dhisidda awoodda gantaallada riddo-dheer,” ayuu yiri Lamson. “Waa cawaaqibka weyn ee ka dhalan kara in Israa’iil ay si weyn u burburiso xarumaha wax-soo-saarka gantaalladooda.”

Warbixin waxaa qoray; Gerry Shih, Susannah George iyo Evan Hill.
The Washington Post

- Advertisement -

Read more

Local News