Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aaa waxaa laga helayaa weerar dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan oo duqeynta ahaa ayaa waxaa lasoo wariyay in lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud, iyada oo khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, isaga oo tilmaamay in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaalla deegaankaas.
Sheekh Abuukar ayaa xusay in xubnaha la dilay ay isugu jiraan Amiiro iyo maleeshiyaad la joogay, xilliga lagu duqeynayay aagga Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Duqeyn barakeysan ayaa waxa ay ka dhacday waqtiga xaadirkan degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu xasuuqay cadow badan oo Khawaarijta Al-Shabaab kamid ah oo isugu jiro dhagar qabayaal iyo Amiiro” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan xog uruurin, isla-markaana ay dib ka sheegi doonaan magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu laayay weerarkaasi.
“Dhammaan xubnaha la laayay waxay cadowga u qaabilsanaayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed dib ayaana ka faahfaahin doonaa magacyadooda” ayuu raaciyay afhayeenka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in cadowga Khawaarijta ay ka waantoobaan baabi’inta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, haddii ay ka waantoobi waayaana waxaa la xisaabtami doono geesiyaasha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Xaaladda ahaatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa goobaha la duqeeyay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab.
Masaajiid Cali Gaduud ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana haatan socda guluf la doonayo in dib loogu xoreeyo.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.