27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Kaydkii hubka Al-Shabaab iyo gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen oo la burburiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo mar kale ay si wadajir ah uga fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Duqeyntan oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacday laba xarumood oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaallay xaafadda Howlwadaag ee degmadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada xarumood, oo gebi ahaanba la burburiyey, ay Khawaarijtu u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydinta hubka, iyada oo lagu qaaday weerar si gaar ah loo qorsheeyay oo u dhacay sidii loogu talagalay.

Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday waxaa ku jiray gaadiid lagu diyaariyey waxyaabaha qarxa, waxaana duqeynta kadib dab ka kacay halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladdu weli waa kacsan tahay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka maanta lagu qaaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Aadan Yabaal.

Duqeyntani waxay ahayd tii labaad ee saacado gudahood ka dhacda degmada, taasoo dhowaan ay dib u qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Weerarkii hore ayaa dhacay shalay, waxaana lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Guriga la weeraray ayaa ahaa xarun istaraatiiji ah oo Al-Shabaab u adeegsan jiray kaydinta saanadda militari iyo abaabulka maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan, iyo saanado kale oo muhiim u ahaa kooxda, iyadoo hawlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Si kastaba ha ahaatee, weerarradan cirka ah waxay qayb ka yihiin guluf milatari oo ay wado dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo culeyska ay kooxda Al-Shabaab kusoo kordhisay deegaannada maamulka HirShabelle, kadib markii ay isku fidiyeen dhul ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News