Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee isdiiwaan-galiyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Dan-Qaran xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu go’aan gaari karaan mustaqbalka dalka.
Mudane Xamza ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, xilli ay xukuumaddu wado qorshaha lagu hirgelinayo hanaanka doorasho lagu muransan yahay.
Sidoo kale waxa uu xusay in xukuumadda uu hoggaamiyo ee Dan-Qaran ay si buuxda uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga go’an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal badan ku bixineysa qabashada hirgelinta doorasho qof iyo cod, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ku qabatay gogol wadatashi oo aysan qeyb ka aheyn siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo lagu xoojiyay in deg-deg loo qabto doorashooyinka heer deegaan ah si la isku soo gaarsiiyo doorashooyinka dalka.

