Tehran (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Sabtidii weerar lama filaan ah oo cirka ah ku qaaday saddex xarunood oo nukliyeer oo Iiraan leedahay, tallaabadaas oo si toos ah Washington uga dhigtay dhinac ka mid ah dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Donald Trump ayaa sheegay in duqeymaha cirka lagu “baabi’iyay gebi ahaanba” xarumaha Fordow, Natanz iyo Isfahan, weerarradaas oo looga gol lahaa in lagu curyaamiyo awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee bacariminta yuraaniyamka.
Illaa hadda ma cadda in xarunta Fordow, oo ku aasan meel gun ah oo buur hoosteeda ah ayna ilaaliyaan nidaamyada difaaca cirka, la burburiyay qayb ahaan ama gebi ahaanba.
Telefishinka Al Jazeera qaybtiisa Carabiga ayaa ku warramay in Washington ay Tehran horay uga sii wargelisay weerarrada, iyo in goobihii la beegsaday la baneeyay.
Dhanka kale, warbaahinta Amwaj Media, oo soo xiganaysa ilo-wareed siyaasadeed oo Iiraani ah, ayaa ku warrantay in “inta badan” keydka yuraaniyamka la bacrimiyey ee Iiraan lagu hayay goobo aamin ah oo ka baxsan saddexda goobood ee la beegsaday.
Iiraan ayaa ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto weerarrada Mareykanka, waxayna maalintii Axadda soo saartay digniin ah in “askari iyo muwaadin kasta oo Mareykan ah oo gobolka jooga uu yahay bartilmaameed xalaal ah”.
Xilli xaaladdu ay weli cakiran tahay, warbaahinta Middle East Eye waxay faaqiday tallaabooyinka Iiraan u furan ee ay kaga jawaabi karto weerarkan.
Weeraro lagu beegsado hantida Mareykanka
Mareykanku wuxuu saldhigyo militari oo kala duwan ku leeyahay guud ahaan Bariga Dhexe.
Saldhigyada ugu muhiimsan waxay ku yaallaan dalalka Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Qadar, Suuriya, Baxreyn iyo Ciraaq.
Weerarrada Iiraan lagu qaaday kaddib, falanqeeye ka tirsan telefishinka dowladiga ah ee Iiraan ee IRIB ayaa sheegay in muwaadin iyo askari kasta oo Mareykan ah oo gobolka jooga uu yahay “bartilmaameed xalaal ah”, wuxuuna shaashadda ka baahiyay khariirad muujinaysa saldhigyada Mareykanka ee gobolka.
“Idinkaa billaabay, annagana waan soo afjari doonnaa,” ayuu yiri.
Wasaaradda Maaliyadda ee Kuweyt ayaa maalintii Axadda sheegtay inay diyaarisay goobo lagu gabbaadsado oo ku yaalla dhismaha wasaaradaha ee dalkaas.
Wasaaraddu waxay war ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay in goobahani ay qaadi karaan dad gaaraya 900 oo qof.
Ka bixitaanka heshiiska NPT
Weerarka Mareykanka ee Iiraan ayaa ku dhaliyay qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Iiraan inay ku baaqaan in laga baxo Heshiiska Xakamaynta Faafidda Hubka Nukliyeerka (Non-Proliferation Treaty), kaasoo dhiirrigeliya hub-ka-dhigista iyo adeegsiga tamarta nukliyeerka ee ujeeddooyin nabadeed.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka, Abbas Golroo, ayaa bayaan uu Axaddii soo dhigay bartiisa X ku sheegay in duqeymaha Mareykanku ay Iiraan siinayaan xaqa sharci ee ay heshiiskan uga bixi karto, isagoo cuskanaya Qodobka 10-aad.
Qodobka 10-aad wuxuu dhigayaa in xubin kasta oo ka tirsan heshiiska NPT ay leedahay “xaqa ay uga bixi karto heshiiska haddii ay go’aansato in dhacdooyin aan caadi ahayn ay halis geliyeen danaha ugu sarreeya ee dalkeeda”.
Hal waddan oo keliya ayaa horay uga baxay heshiiska NPT, waana Kuuriyada Waqooyi oo ka ruqseysatay sanadkii 2003-dii.
Waddamada dariska la ah Iiraan ee kala ah Pakistan iyo Hindiya, iyo sidoo kale Israa’iil, ayaan qayb ka ahayn heshiiska NPT, waxayna leeyihiin hub nukliyeer ah, inkastoo Israa’iil ay diiday inay si fagaare ah u qirato.
Xiritaanka Marinka Hormuz
Marinka Hormuz waa marin badeed istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, waana “meel cariiri ah” oo ay maraan ku dhowaad shan-meelood-meel saliidda maalinlaha ah ee adduunka.
Iiraan ayaa horay ugu hanjabtay inay xiri karto marinkaas si ay uga jawaabto weerar uga yimaada Mareykanka, waxaana maalintii Axadda wakiil u hadlay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, uu sheegay in tallaabadaas si degdeg ah loo qaado.
“Hadda waa markeenna, waa inaan si degdeg ah u dhaqaaqnaa,” ayuu yiri Hossein Shariatmadari, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
“Tallaabada ugu horreysa, waa inaan weerar gantaal ah ku qaadnaa maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan Baxreyn, isla mar ahaantaana aan Marinka Hormuz ka xirnaa maraakiibta Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska.”
Tallaabo lagu xirayo marinkan ayaa saameyn ba’an ku yeelan karta dhaqaalaha adduunka, oo markii horeba la daalaa-dhacayay cawaaqibka siyaasadaha canshuuraha ee Trump iyo weerarrada Israa’iil ee Bariga Dhexe.
“Ma u diyaar garowdeen sicir-barar aad u sarreeya si uu Mareykanku isaga dhigo inuu wiiqi karo barnaamijka nukliyeerka Iiraan?” ayuu yiri dhaqaale-yahanka sare Philip Pilkington oo qoraal soo dhigay bartiisa X.
Abaabulka kooxaha wakiillada ah
Kooxo hubeysan oo kala duwan oo Iiraan ay taageerto kuna sugan dalal ay ka mid yihiin Yemen, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa sidoo kale la filayaa inay qaadaan weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah danaha Mareykanka ee gobolka.
Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa Axaddii sheegay in jawaabta kooxdooda ee ku aaddan weerarrada Mareykanka ee Iiraan ay tahay “arrin waqti uun sugeysa”.
Qaar badan oo ka mid ah kooxahan ayaa horayba ugu lug lahaa weerarro baaxad-yar oo lagu beegsanayay bartilmaameedyo Israa’iil iyo Mareykan leeyihiin tan iyo bilowgii dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023.
Guutada Zainabiyoun, oo ah koox hubeysan oo Pakistaniyiin ah oo Iiraan u aasaastay inay ka dagaallanto colaadda Suuriya, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dagaalka ka dhanka ah bartilmaameedyada Israa’iil iyo Mareykanka.
“Dhiiggiinnu waa dhiiggeenna. Qalbiyadeenna, nafteenna iyo maskaxdeennuba idinkay idinla jiraan. Ogaada in shacabka Pakistan ay garab idin taagan yihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray in kooxdu ay diyaar u tahay inay beegsato hantida Mareykanka ee ku yaalla Pakistan.