26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Trump oo go’aan culus u gudbiyey Netanyahu: ‘Ha filan inaan mar kale weerarno Iran’

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Kadib markii uu Maraykanku duqeymo ka fuliyay gudaha Iiraan, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuusan filan wax tallaabo milateri oo dheeraad ah oo uu Maraykanku qaado, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.

Kaddib duqeymihii Axaddii lagu bartilmaameedsaday saddex xarumood oo muhiim ah oo nukliyeerka Iiraan, ayuu Trump u sheegay Netanyahu in la joogo xilligii la joojin lahaa dagaalka laguna laaban lahaa wada xaajoodyada diblomaasiyadeed.

Mowqifka Trump wuxuu ahaa in Maraykanku uu meesha ka saaray halis kasta oo degdeg ahayd oo Iiraan ka imanaysay, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababtoo ah looma oggolayn inuu si fagaare ah uga hadlo wada hadallada diblomaasiyadeed ee xasaasiga ah.

Sarkaalka Maraykanka ah ayaa sheegay in Netanyahu uu fahmay mowqifka Trump ee ah inaanu Maraykanku doonayn inuu sii wado ku lug lahaanshaha xaaladda dhanka milateriga.

Talaadadii, hoggaamiyaha Israa’iil wuxuu sheegay in dalkiisu aanu weligii saaxiib uga fiican Trump ku yeelan Aqalka Cad, isagoo ku dhawaaqay guul taariikhi ah oo uu ka gaaray Iiraan, wuxuuna sheegay in barnaamijkeedii nukliyeerka “la burburiyay”.

Isagoo ka hadlayay khudbad laga sii daayay telefishinka, ayuu Netanyahu taxay guulaha ay Israa’iil ka gaartay colaadda, oo ay ku jiraan weerarradii ay ku qaadday janaraallo sarsare iyo saynisyahanno ku takhasusay nukliyeerka. Wuxuu sheegay in Israa’iil ay burburisay xarumaha nukliyeerka ee Natanz iyo Isfahan, iyo sidoo kale warshadda biyaha culus ee Arak.

“Tobannaan sano, waxaan idiin ballan qaadayay in Iiraan aysan yeelan doonin hub nukliyeer ah, runtiina… waxaan burburinnay barnaamijkii nukliyeerka ee Iiraan,” ayuu yiri Netanyahu.

Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay waajib ku tahay inay dhammaystirto ololaheeda ka dhanka ah isbahaysiga Iiraan, kana adkaato Xamaas, ayna soo celiso dhammaan la-haystayaasha Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay in dagaalkeeda, oo billowday 13-kii Juun, uu ujeedkiisu ahaa in laga hor tago in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah, taasoo ah himilo ay Tehran muddo dheer beeninaysay inay leedahay.

Si kastaba, sheegashada Israa’iil ayaa waxaa beeninaya warbixin horudhac ah oo sir ah oo ay soo saareen sirdoonka Maraykanka taa soo sheegaysa in duqeymihii uu Maraykanku la beegsaday saddex xarumo nukliyeer oo Iiraan ku yaalla ay dib u dhigeen barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas muddo dhowr bilood oo keliya ah, sida ay sheegeen saraakiil la socota natiijooyinka warbixinta.

Duqeymuhu waxay xireen afaafka hore ee laga galo laba ka mid ah xarumahaas, balse ma aysan dumin dhismayaashooda dhulka hoostiisa ku yaalla, sida ay saraakiishu sheegeen in natiijooyinka hore ay muujiyeen.

Weerarka ka hor, hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in haddii Iiraan ay isku daydo inay ku degdegto samaynta bam, ay ku qaadanayso muddo saddex bilood ah. Kadib duqeyntii Maraykanka iyo weerarro maalmo socday oo ay fuliyeen Ciidanka Cirka ee Israa’iil, warbixinta ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Difaaca (Defense Intelligence Agency) ayaa lagu qiyaasay in barnaamijkii dib u dhac ku yimid, balse uu ka yar yahay lix bilood.

Dhinaca kale, Iiraan ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaar u tahay inay ku laabato wada xaajoodka Maraykanka, xilli uu dhaqan galay xabbad-joojin jilicsan oo ka dhalatay dagaalkii ay Israa’iil kula jirtay, kaasoo yimid 12 maalmood oo duqeymo ah kaddib.

Laakiin xitaa iyadoo ay u muuqatay inuu diyaar u yahay dib u eegista wada hadalladii nukliyeerka ee uu carqaladeeyay weerarkii kediska ahaa ee Israa’iil, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian wuxuu sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono “in uu ku adkaysto xuquuqdiisa sharciga ah” ee la xiriirta adeegsiga tamarta atoomikada si nabad ah.

Maraykanka ayaa ku biiray ololaha Israa’iil Axaddii isagoo duqeymo ka fuliyay xarumo muhiim ah oo nukliyeerka.

Ka dib markii Iiraan ay aargoosatay oo ay habeenimadii Isniinta gantaallo ku weerartay saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar, ayuu Trump ku baaqay in xaaladda la dejiyo, isagoo saacado kaddib ku dhawaaqay qodobbada heshiis xabbad-joojin ah.

Wadahadal dhanka taleefanka ah oo ay Talaadadii yeesheen, ayuu Pezeshkian u sheegay dhiggiisa Imaaraadka “inaad Maraykanka, markaad la macaamilaysaan, ugu sharaxdaan in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay kaliya doonayso inay ku adkaysato xuquuqdeeda sharciga ah.”

“Weligeed ma aysan doonin inay yeelato hub nukliyeer ah, mana doonayso,” waxaa sidaa kasoo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA, isagoo intaas ku daray in Iiraan ay “diyaar u tahay inay arrimaha ku xalliso… miiska wada hadalka.”

Ka dib markii uu Trump si caro leh labada dhinacba ugu canaantay jebinta hore ee xabbad-joojinta Talaadadii, waxay Tehran ku dhawaaqday inay ixtiraami doonto qodobbada heshiiska haddii ay Israa’iil sidaas oo kale yeesho, halka Israa’iilna ay sheegtay inay ka fogaatay duqeymo dheeraad ah.

Israa’iil iyo Iiraan ayaa labaduba u muuqday inay guul sheeganayaan ka dib markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta.

- Advertisement -

Read more

Local News