26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Turkiga oo hub iyo diyaarado hor leh keenay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo xilligaan ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya ayaa mar kale garoonka Aadan Cadde kasoo dajisay saanad milatari oo ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya, si loogu qalabeeyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Qalabka milatari ee uu keenay Turkiga ayaa isugu jiro diyaarado dagaal oo horleh iyo hub casri ah, kaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qalabkan ayaa waxaa qayb ka ah diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo kolonyo gaadiidka gaashaaman, waxaana si rasmi ah ula wareegtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qalabkan milatari ay kamid yihiin kuwa ugu sarreeya ee ay farsameeyaan shirkadaha militari ee Turkiga, waxaana loogu talagalay in loo adeegsado dagaalka Al-Shabaab.

Arrintan aaa sidoo kale qayb ka ah fulinta heshiiska difaac ee dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaas oo dhigaya in Turkiga uu taageero tababarka iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay u noqdaan ciidan leh awood dheeraad ah oo difaac ah.

Horay Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gaarsiiyay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata weerarada cirka ah ee lagu beegsado maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo door wayn ka qaatay howlgallada haatan ka socda gudaha dalka.

Waxaa kale oo uu Turkiga taageero milatari oo isugu jiro tababar iyo qalab uu siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ku tiirsan xukuumadda Ankara.

Si kastaba ha ahaatee, Bishii July ee sannadkii hore ee 2024, Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah, kuwaas oo haatan soo daad-gureyntooda ay bilaabatay, kadib markii la keenay illaaa 500 oo askari.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo dagaal, waxaana ay wajaheysa halista Al-Shababa oo culeys xoogan soo saartay deegaannadii horay looga xoreeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News