Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgal culus qaaday ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.
Ciidamada oo dagaal la galay Al-Shabaab ayaa ka saaray deegaankaasi iyo deegaanka kale ee dhow ee Geel Gub oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen Al-Shabaab.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxda u maamulayaan deegaanka, ayna isku fidiyeen hareerihiisa.
“Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka wada deegaannada Masaajidka Cali Guduud iyo Geel Gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana laga saaray deegaannadaasi” ayaa lagu yiri qoraalka
Sidoo kale ciidamada ayaa weli sii wada gulufkooda, waxayna dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka wadaan aagga deegaanka Masaajid Caligaduud, sida ay sheegtay dowladdu.
“Ciidamada ayaa weli sii wada baacsiga kooxaha firxadka ah, iyagoona jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Masaajid Cali Gaduud ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana marar badan isku bed-beddalay dowladda iyo Shabaab, taas oo muujineyso inuu muhiim u yahay labada dhinac.
Qabsashada deegaankan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo maalin kahor ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii deegaankaas ay dagaal culus ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris ah la’ah magaalada Muqdisho