26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Banaanbaxyo xooggan oo maanta ka dhacay Kenya iyo booliska oo toogtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya banaanbaxyo maanta ka dhacay magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo dalka Kenya, kuwaas oo sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo, iyadoo warbaahinta gudaha ay sheegtay in ugu yaraan toban qof la toogtay.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu culus ayaa ka dhacay magaalada Machakos oo qiyaastii 60km u jirta caasimadda Nairobi, halkaas oo la xaqiijiyay in qof lagu dilay. Dibad-baxayaasha ayaa ka gadoodsana kororka canshuuraha dowladda.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallo kala duwan, waxaana wararka qaar tilmaamayaan in dhaawacyada intooda badan loo qaaday Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta.

Telefishinka Citizen TV ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya dad dhaawac ah oo la keenayo isbitaalka, iyadoo mid ka mid ah goobjoogayaasha uu sheegay in booliiska ay rasaas bilaabeen, ayna toogteen saaxiibkiis.

Iska hor imaad culus ayaa ka dhacay waddo weyn oo ku taalla magaalada Nairobi, kadib markii dad mudaharaadayaal ah ay isku dayeen in ay gaaraan bartamaha magaalada.

Booliiska ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan, iyadoo la arkayay qiiq ka kacaya waddada Thika Road.

Dhallinyaro u badan dadkii mudaaharaadayay ayaa watay calamo, waxaana ay la kulmeen xannibaad adag oo ay booliisku dhigeen waddooyinka waaweyn, iyadoo boolisku adeegsadeen rasaas digniin ah oo cirka loo riday si loo kala eryo dadkii dhagxanta tuurayay ee waddooyinka marayay.

Booliska ayaa sidoo kale adeegsanayay gaadiid dagaal oo la dhigay meelo istiraatiiji ah si looga hortago in dadku gaaraan bartilmaameedkooda. Dhinaca cirka, helikobtarrada booliiska ayaa dul wareegayay magaalada, iyagoo dabagal ku samaynaya dhaq-dhaqaaqa mudaharaadayaasha.

- Advertisement -

Read more

Local News