26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xasan iyo mucaaradka oo ku heshiiyey afar qodob

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii maanta u furmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiray galabta, iyadoo dib loogu balamay sii socoshada shirka.

Shirkan ayaa dib loo sii amba-qaadi doonaa 3-da July 2025, waxaana loo soo gaabiyay sababo la xiriira asbuuca xoriyadda. Kulanka maanta ayaa dhinacyadu isku raaceen ajandaha shirka u dhaxeeya hoggaanka dowladda iyo mucaaradka.

Dhinacyada ayaa isku raacay in laga wada-hadlo illaa afar ajande oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1- Adkeynta midnimada dalka
2- Hannaanka dib-u-eegista dastuurka
3- Amniga iyo ciribtirka argagixisada
4- Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay

“Shirka maanta oo ku furmay jawi wanaagsan iyo isxog-wareysi ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib, waxaa la isku raacay in laga wada-hadlo afar ajande oo muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay dhinacyadu isla qaateen in mas’uuliyiinta wali ka maqan gogosha la baadi goobo, isla markaana ay soo xaadiraan wada-hadallada furmaya horraanta bisha July.

“Wada-hadal dheer kadib, waxaa la isla gartay madaama uu bilaabanayo usbuucii xoriyadda in uu shirka dib u furmo 3-da bisha Luuliyo 2025 si loo sii ambaqaado wada-hadalada,” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Wada-hadallada u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo hormuud u yihiin madaxdii hore ee dalka ayaa ku yimid cadaadis dhanka beesha caalamka, iyadoo wareegyada soo socda ay kala caddaan doonaan habka iyo hannaanka ay tahay in doorashada tooska ah ee heshiiska lagu yahay lagu aado.

- Advertisement -

Read more

Local News