Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta ka qeyb-galay dabaaldegga munaasabadda 1-da Luulyo, ayaa si weyn uga xanaaqay su’aal laga weydiiyay amniga dalka.
Intii ay socotay munaasabadda, Wariye ka mid ah warbaahintii goobta joogtay ayaa Wasiir Fartaag weydiiyay su’aal la xiriirta amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda, xilli uu socdo dagaal.
Wasiirka ayaa si caro leh ugu jawaabay: “Adiga Shabaabka miyaa ka shaqeysaa?” Isagoo hadalkiisa sii raaciyay: “Amniga wax badan ayaan ka qabanay, ee beenta yaa la faafin.”
Wasiir Fartaag ayaa sidoo kale yiri: “Amniga waxa uu marayaa ilaa 800KM, wax is dagaalaya ma jiraan, maanta waxaan soo bandhignay cudud ciidan.”
Dhinaca kale, Wasiir Fartaag ayaa ku faanay in kooxda Al-Shabaab laga saaray 90% dhulkii ay horey u haysteen, isla markaana howl-gallada ka dhanka ah kooxdaasi ay si wanaagsan u socdaan.
“Ciidamada qalabka sida nooc walba yihiin iyo kuwa Macawiisleyda waxay ku guuleysteen in ay hantaan 90% dhulka uu cadowgu deganaa; tobanka kalena waan dhameystiri doonaa haddii Eebbe idmo,” ayuu yiri Wasiirku.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilowgiisii hore laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayaa markii dambe waxaa ku yimid gaabis, taasoo keentay in kooxdu dib u qabsato deegaano laga saaray.
Hoos ka daawo muuqaalka