25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Xiisad culus oo ka dhex-qaraxday Sacuudiga iyo Masar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Xiisad culis ayaa ka dhex-qaraxday Masar iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo shakhsiyaadka warbaahinta ee labada dal ee daacadda u ah nidaamyada talada haya ay bilaabeen olole weerarro ah oo aan noociisa hore loo arag, kuwaasoo lala beegsaday wasiirrada iyo weliba madaxda labada dal—Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan.

In kasta oo xiriirka labada dal uu muddo dheer ku sifoobay carqalad hoose iyo dano ku dhisan wax-is-dhaafsi, haddana is-maandhaafkii ugu dambeeyay wuxuu isu beddelay colaad aan gabasho lahayn. Dood ka bilaabatay baraha bulshada oo ku saabsanayd hadal ka soo yeeray wasiir Masaari ah ayaa isku rogtay duullaan dhanka internet-ka ah oo ballaaran, kaasoo ay la socdeen baaqyo isbeddel lagu sameeyo taliska iyo mala-awaal ku saabsan suurtagalnimada in al-Sisi uu xukunka ka dego sanadka 2026.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii Wasiirka Gaadiidka Masar, Kaamil al-Waziir, oo dhaleecayn kala kulmayay shil khasaare badan geystay oo ay ku dhinteen 19 haween ah oo shaqaale ahaa, uu ku jees-jeesay kharashka Sacuudiga uu ku bixiyo kaabayaashiisa dhaqaalaha. Jawaabtaas, mas’uuliyiin Sacuudiyaan ah iyo xulafadooda warbaahinta ayaa si adag uga falceliyay, iyadoo Turki al-Sheikh—oo ah la-taliye sare oo ku dhow Maxamed bin Salmaan—uu ku maadeystay hab-hadalka qaldan ee al-Waziir iyo kartidiisa.

Waxaa dabka sii huriyey, suxufiga caanka ah ee Sacuudiga, Qenaan al-Ghamdi, oo saadaaliyay in al-Sisi uu xabsi ku dambayn doono marka uu xilli-xileedkiisu dhammaado, isagoo ku tilmaamay mashruuca caasimadda cusub ee Masar mid musuqmaasuq ku dhisan oo xad-dhaaf ah. Aargudasho ahaan, falanqeeye Masaari ah, Saamix Abu al-Aaryes—oo lagu yaqaan inuu daacad u yahay nidaamka—ayaa ku baaqay in afgambi lagu sameeyo qoyska boqortooyada Sacuudiga si meesha looga saaro Maxamed bin Salmaan.

Aflagaaddooyinkan, oo ahaa kuwo si toos ah shakhsiyaadka u beegsanayay oo ay gudbinayeen codad dawladda ku xiran, ayaa loo arkay inay ahaayeen kuwo si bareer ah loo sameeyay oo aan kama’ ahayn. Falanqeeyayaashu waxay sheegeen inaysan marnaba suurtagal ahayn in hadallada noocan oo kale ah la jeediyo iyada oo aan oggolaansho, xitaa mid dadban, laga haysan sirdoonka labada dal. Is-hardinkan labada dhinac ah ayaa keenay in mas’uuliyiin sarsare ay si degdeg ah u soo farageliyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Cabdel Caati, ayaa si cad u dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay “awoodo ku-meel-gaar ah” oo isku dayaya inay gobolka u taliyaan—waana farriin aan leex-leexad lahayn oo loola jeedo Sacuudi Carabiya. Saacado ka dib, wadahadal diblomaasiyadeed oo dhex maray Cabdel Caati iyo dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan, ayaa la isugu dayay in lagu qaboojiyo xiisadda, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen “xiriirkooda taariikhiga ah.”

Si kastaba ha ahaatee, khilaafku wuu ka qoto dheer yahay is-weydaarsiga hadallada kulul.

Dhammaadka kaalmooyinka aan xadka lahayn

Carada Sacuudiga ee ka dhalatay codsiyada joogtada ah ee al-Sisi ee taageerada dhaqaale ayaa udub-dhexaad u ah loollanka. Tan iyo afgambigii 2013 ee uu xukunka kula wareegay, Masar waxay dalalka Khaliijka ka heshay kaalmo dhan in ka badan $92 bilyan—oo $64 bilyan oo ka mid ah ay ka timid Sacuudi Carabiya oo keliya. Laakiin Riyadh ayaa si tartiib-tartiib ah uga guurtay deeqaha aan shuruudaha lahayn, una weecatay maalgashi istiraatiiji ah iyo la wareegidda hantida Masar.

“Bariiska Jananka”—naanays ay waddamada Khaliijku u bixiyeen kaalmada Masar—ayaa si dhab ah u gabaabsi noqotay. Farriinta ka imaanaysa Riyadh way caddahay: Masar waa inay isbeddel samaysaa oo ay wax qabataa, haddii kale waxay wajihi doontaa mustaqbal aan lahayn kaalmooyin aan xisaab lahayn. Warbixin uu soo saaray machadka Bariga Dhexe (Middle East Institute) bishii Luulyo 2025, ayaa lagu adkeeyay in kasta oo Sacuudigu aanu oggolaan doonin in Masar ay burburto, haddana “siyaasaddii taageerada shuruud la’aanta ahayd way dhammaatay.”

Qodob kale oo weyn oo khilaafka dhaliyay ayaa ah dib-u-dhaca Masar ee ku aaddan wareejinta jasiiradaha Tiran iyo Sanafir—oo Sacuudiga loogu tanaasulay sanadkii 2018 balse aan weli si rasmi ah loogu wareejin. Qaahira ayaa la sheegay inay ku gacan sayrayso wareejinta, iyadoo dalbanaysa magdhow dheeri ah, xilli ay Maraykanka iyo Israel danaynayaan inay jasiiradahaas u isticmaalaan ujeeddooyin militari oo istiraatiiji ah.

Wareejinta ayaa waxaa hareeyay dacwado gudaha ah, xasaasiyad gobolka ka jirta, iyo mala-awaal sheegaya in Washington ay doonayso inay saldhig ka dhisto jasiiradaha. Mas’uuliyiinta Masar ayaa ka horyimid tallaabo kasta oo noocaas ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdel Caati uu ka digay joogitaanka militari shisheeye ee Badda Cas—taasoo ah arrin mudnaan gaar ah u leh amniga qaranka Masar, oo isu aragta inay tahay ilaaliyaha Kanaalka Suweys.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo ay daabacday The New York Times bishii Juun 2025 ayaa muujiyay calaamado hore oo muujinaya dhismaha saldhig Maraykan ah. In kasta oo Maraykanku uu sheegay in saldhiggu uu gacan ka geysan doono sugidda marinnada maraakiibta iyo la dagaallanka tahriibinta hubka ee loo wado Gaza iyo Lubnaan, mas’uuliyiinta Masar waxay ka cabsi qabaan in mashruucu uu wiiqayo madax-bannaanidooda isla markaana uu yareynayo saamaynta Qaahira ee gobolka.

Loolanka hoggaanka gobolka

Saldhigga khilaafku wuxuu salka ku hayaa loolan ballaaran oo loogu jiro hoggaaminta gobolka. In kasta oo doorkii dhaqameed ee Masar ee hoggaaminta dunida Carabta uu hoos u dhacay sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale iyo kalitalisnimada sii kordhaysa, Sacuudi Carabiya waxay si xooggan isu dhigtay kaalin ah inay noqoto awoodda cusub ee gobolka—oo ay ku jirto arrinta Falastiin.

Ilo wareedyo Israel iyo Maraykan ah ayaa sheegaya in Riyadh ay si isa soo taraysa ugu lug yeelanayso wada-xaajoodyada xabbad-joojinta ee lala galo Xamaas, taasoo suurtagal ah inay meesha ka saarto doorkii Masar iyo Qatar. Iyadoo dagaalka Israel ee Gaza uu muujinayo calaamado uu ku qaboobayo, Sacuudiga wuxuu u muuqdaa mid diyaar u ah inuu taageeradiisa nabadda ku xiro heshiisyo ballaaran oo caadiyaynta xiriirka ah, kuwaasoo hoos tagaya Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).

Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Masaarida, Xaafid al-Mirazi, ayaa ku tilmaamay xiriirka sii xumaanaya inuu yahay mid ka dhashay aragtiyo siyaasadeed iyo filashooyin dhaqaale oo kala duwan. Wuxuu xusay in faallooyinkii dhowaanahan ee baraha bulshada ay qofka ka dhigayaan mid illowba in Sacuudigu uu mar taageeray kor u kaca al-Sisi—isagoo ka dhigaya sidii inay ahayd Qatar, ee aanay ahayn Riyadh, tii garab istaagtay Qaahira sanadkii 2013.

Ma ahan markii ugu horreysay ee shabakadaha daacadda u ah labada dhinac ee internet-ka ay is-weydaarsadaan hadallo kulul iyagoo taageero aan rasmi ahayn ka helaya. Laakiin markan, weerarradu waxay ahaayeen kuwo si aan caadi ahayn u toos ah—oo si aan caadi ahayn shakhsiyaadka loogu bartilmaameedsaday.

Horraantii 2023, qoraa Masaari ah oo aflagaaddo u geystay Sacuudiyiinta kuna tilmaamay “reer baadiye caga-cad” ayaa kiciyay caro xooggan, waxaana si degdeg ah loo tirtiray qoraalkiisa. Xiisado kale oo isla sanadkaas dhacay waxaa ka mid ahaa shakhsiyaad caan ah sida Maxamed al-Baaz, oo ah falanqeeye Masaari ah oo daacad u ah nidaamka, kaasoo weerarro ku qaaday siyaasadda Sacuudiga isagoo adeegsanaya muuqaallo toos ah.

Dhanka kale, aqoonyahanno iyo qorayaal Sacuudiyaan ah sida Khaalid al-Daakhil ayaa dhaleeceeyay awoodda dhaqaale ee ciidanka Masar, iyagoo su’aal ka keenay sii jiritaanka hab-maamulka al-Sisi.

Is-hardinnadan soo noqnoqday waxay ka tarjumayaan walaacyo qoto dheer: Qaahira waxaa loo arkaa inay dalbanayso wax badan iyadoo bixinaysa wax yar, halka Riyadh ay u aragto dib-u-dhaca iyo caga-jiidka Masar—ee ku aaddan ka-qaybgalka militari, isbeddelka maalgashiga, iyo wareejinta dhulka—inay yihiin calaamado muujinaya isku-halayn la’aan.

Maxaa Xiga?

In kasta oo wadahadalkii taleefoonka ee 3-dii Luulyo dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda uu muujinayay rabitaan ah in la dejiyo is-maandhaafka, haddana arrimihii salka u ahaa weli lama xallin. Diidmada Masar ee ah inay si buuxda u wareejiso Tiran iyo Sanafir, u weecashada Sacuudiga ee dhanka maalgashi shuruudaysan, iyo kala duwanaanshaha doorarkooda diblomaasiyadeed ee gobolka ayaa dhammaantood tilmaamaya kala-qaybsanaan istiraatiiji ah oo sii kordhaysa.

Inkasta oo labada dal ay si fagaare ah u adkeynayaan “xiriirkooda walaaltinimo,” falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in ololaha warbaahintu uu qayb ka yahay hab cusub oo si furan cadaadis la isugu saarayo—farriimo qarsoon oo la soo mariyo wakiillo daacad ah, laguna sii daayo baraha dawladda ku xiran, isla markaana ay buunbuuniyaan ciidamo internet-ka ah.

Sacuudigu hadda uma muuqdo mid ku qanacsan inuu maalgeliyo Masar iyada oo aan wax faa’iido ah ka helin. Masar, dhankeeda, waxay ka xun tahay awood-sheegashada Riyadh, waxayna ka cabsi qabtaa in la iska fogeeyo iyadoo lagu jiro nidaam cusub oo Bariga Dhexe ah.

Isbahaysiga, oo mar ku dhisnaa cadow ay wadaagaan iyo lacagta batroolka ee deeqsinimada leh, ayaa hadda wajahaya tijaabadiisii ugu adkayd abid.

 

- Advertisement -

Read more

Local News