Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xalay ka dhacday gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadib markii baahal noociisu cusub yahay uu dad shacab ku waxyleeyay degmadaasi.
Baahalka ayaa fiidkii hore weeraray qoys degan degmada Cabdicasiis, wuxuuna dhaawac halis ah gaarsiiyay 4 qof oo kala ah hooyo iyo saddexdeeda cunug.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladda dhaawacyada ay halis tahay, isla markaana loo gudbiyay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.
Sidoo kale baahalka ayaa lagu sheegay magacyo kala duwan, sida Gaduudane, Xoorshiir, Shandhagood, Mukulaalwayne, waxaana goor dame dilay askari wax ka dagan xaafadda.
Gabar kamid ah qoyska ayaa ka sheekeysay, sida uu usoo weeraray baahalka waxayna tilmaamtay inuu isku maray afarta qof oo u gaystay dhaawacyo daran.
“Abaare 9:0 ayay ahayd meeshaan gabdhuhu fahdiyeen gabar ayaa carartay oo dhanka qolka aaday, waxayna u tegtay hooyadeed, kadibna baahalka ayaa gudaha ugu galay wuxuuna qabsaday baahalka gabadham isaga oo si xun ugu dhagay waa la garaacay, hadane canug meesha jiifo ayuu garabka ka goostay, hooyana suulka ayuu ka qaniinay, markii dambe oo la’isku yimid ayuu albaabka ka baxay gabar kale ayuu hadane cunay, isna waa la dilay” ayay tiri gabar ay dhashay hooyada dhaawaca ah ee uu baahalka weeraray.
Cumar Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna sheegay in baahalkan uu yahay baahal halis, isla markaana hadda kahor uu baadiye ku dilay wiil uu adeer u yahay.
“Anigga waxaan imid isaga oo dilan oo dad ayaa dilay laakiin baahalkan waa baahil halis ah micidiisa ayaa ka daran, waana mariid oo sun ah” ayuu yiri Cumar Cismaan.
Dhacdadan ayaa hadal-heyn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, waxaana sidoo kale cabsi soo wajahday dadka deegaanka oo ka argagaxay baahalka soo weeraray.