25.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Puntland oo ku dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin SSC-Khaatumo (Bayaan kulul)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda ku billowday xusuusin taariikhi ah, iyadoo sheegtay inay “soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii” ayna “qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay magaalada Laascaanood.”

Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad Qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Puntland, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998dii.”

“Sidaas awgeed, go’aan kasta oo lagu beddelayo maqaamka deegaannadaas waa inuu sifo sharci ah u maraa,” ayey tiri. Puntland waxay shuruud uga dhigtay in marka hore “wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.”

Iyadoo taas laga duulayo, bayaanka ayaa lagu go’aamiyay qodobkan xasaasiga ah: “Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan reer Puntland, gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.”

Eedayn culus oo loo jeediyay Muqdisho

Qaybta ugu weyn ee dareenka soo jiidatay ayaa ahayd eedaynta tooska ah ee Puntland u jeedisay dowladda dhexe. Dowladda Puntland waxay si kulul u “cambaareynaysaa faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasilloonida Dowladda Puntland.”

Puntland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay leedahay damac ah “in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland,” isla markaana ay doonayso inay “fashiliso dagaalka ay Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamku kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.”

Eedaymahan ayaa si toos ah loola xiriirinayaa aqoonsiga Dowladda Federaalka ay u fidisay Maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, tallaabadaas oo ay Puntland u aragto mid xadgudub ku ah midnimadeeda dhuleed iyo heshiiskii lagu dhisay Soomaaliya federaalka ah. Arrintan ayaa sii xumaysay xiriirka labada dhinac oo markii horeba gaaray meel hooseysa, kadib markii ay Puntland horay u shaacisay inay laashay aqoonsigii dowladda dhexe kuna dhaqmayso si madax-bannaan.

Xiisadda ayaa sii kordhaysa iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo deegaannada xuduudda u ah Puntland iyo deegaannada SSC-Khaatumo, taasoo abuurtay cabsi laga qabo isku dhac hubeysan.

Dhanka kale, Isimada iyo hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa si isdaba joog ah u sheegay inay ka go’an tahay aayo-ka-tashigooda, ayna diideen inay dib ugu noqdaan maamulkii Puntland.

Dowladda Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda kusoo gabagabeysay baaq ay u dirtay shacabkeeda, iyadoo ku adkeysay “in ay xoojiyaan midnimadooda, ilaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.”

Dagaal ka qarxay Sanaag

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland ay wajaheyso loolan siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, kaasoo u dhexeeya cadaadiska Dowladda Federaalka, loolanka SSC-Khaatumo, iyo sidii ay u ilaashan lahayd midnimadeeda gudaha, taasi oo Talaadadii isku rogtay dagaal.

Talaadadii ayaa dagaal waxa uu degmada Dhahar ku dhex maray ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Maakhir, oo ah maamul go’aansaday inuu ku biro SSC-Khaatumo, oo shirka lagu dhameystirayo uu hadda ka socdo Laascaanood.

Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa gudaha Dhahar, isla markaana ay haatan si buuxda gacanta ugu hayso magaaladaasi.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.

Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay “colaad hurinayso,” halka dowladda federaalku ay ku andacootay in Puntland ay “xaaladda sii hurinayso.”

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay ciidamo soo dhoobeen deegaanka, xaaladdan oo ay goobjoogeyaal ka faallooda arrimaha gobolku ku tilmaameen mid ay siyaasadi ka dambeyso.

- Advertisement -

Read more

Local News