28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Imaaraadka oo si lama filaan ah uga hadlay duullaanka ay Israa’iil ku qaaday Suuriya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Anwar Gargash, oo ah la-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka, ayaa ku tilmaamay xiisadda militari ee hadda ka taagan Suuriya ee kala dhaxaysa “Israa’iil” inay tahay isku dayo “lagu doonayo in lagu jaangooyo wejiga Suuriya ee mustaqbalka.” Wuxuu adkeeyay mowqifka dalkiisa ee aan isbeddelin, kaasoo ku baaqaya in la xasiiliyo dhulka Suuriya, isla markaana diidaya in loo beddelo fagaare lagu kala saaro is-qabqabsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Anwar Gargash ayaa qoraal uu Arbacaduu soo dhigay bartiisa “X” wuxuu ku yiri: “Qoraallada siyaasadda waxay ka hadlayeen loollanka loogu jiro Suuriya tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1946-kii,” isagoo xusay “in maanta aan marqaati ka nahay waji cusub oo lagu doonayo in lagu jaangooyo mustaqbalka Suuriya.”

Wuxuu intaas ku daray in “Mowqifka Imaaraadku uu yahay mid aan isbeddelin oo ku aaddan cambaaraynta xiisadda ay waddo Israa’iil, isla markaana taageeraya xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya, si ay u noqoto dal deggan oo barwaaqo ah oo ay wada degaan dhammaan shacabkeedu.”

La-taliyaha Imaaraadka ayaa ku nuuxnuuxsaday in “Suuriya aysan ahayn fagaare lagu loollamo, balse ay tahay dal Carbeed oo udub-dhexaad ah, kaasoo xooggiisa, guushiisa, iyo barwaaqadiisu ay taageero u yihiin xasilloonida gobolka.”

Hadalka Gargash ayaa imaanaya kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadku si adag u cambaaraysay xiisadda halista ah ee ka taagan koonfurta Suuriya, ayna si kulul u dhaleecaysay duqeymaha Israa’iil ee gobolkaas, iyadoo hoosta ka xarriiqday inay gebi ahaanba diiddan tahay in lagu xad-gudbo madax-bannaanida Suuriya lana wiiqo amnigeeda iyo xasilloonideeda.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa Arbacadii duqeymo la beegsaday dhismaha taliska guud ee ciidamada iyo agagaarka qasriga madaxtooyada ee Dimishiq, taasoo qayb ka ah weerarro sii kordhaya oo lagu bartilmaameedsanayo goobo xasaasi ah oo Suuriya ku yaal. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 34 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Suuriya.

Tani waxay daba socotay iska hor-imaadyo Axaddii ka dhacay magaalada Suwayda, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, ayna ku dhaawacmeen 100 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya ee “SANA”, oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Iska hor-imaadyadaas kaddib, ciidammada amniga iyo kuwa militariga ayaa galay Suwayda, iyagoo fulinaya hawlgal amni oo ujeeddadiisu tahay “in la soo afjaro fawdada amni-darro, lagu soo rogo sharciga iyo kala-dambeynta iyo awoodda dowladda, hubkana looga dhigo kooxaha sharciga ka baxsan,” sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Suuriya.

Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil waxay xiriirkooda caadiyeeyeen sanadkii 2020-kii, iyagoo u maray Heshiisyadii taariikhiga ahaa ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ee Abraham (Abraham Accords), tallaabadaas oo si weyn u beddeshay siyaasadda Bariga Dhexe.

Waxaana iskaashigan horseeday walaac amni oo ay labada dhinacba ka qabeen Iiraan iyo damac dhaqaale oo ay wadaageen, taasoo keentay inuu si weyn u kobco. Ganacsiga labada dal ayaa kor u dhaafay $3 bilyan sanadkii, waxaana sii xoojiyay heshiis ganacsi oo xor ah iyo iskaashi qotodheer oo dhinacyada tignoolajiyadda, maaliyadda, difaaca, iyo dalxiiska ah.

- Advertisement -

Read more

Local News