26.9 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

FBI oo liis halis ah ku dartay mas’uuliyiin ka tirsan IRAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Hay’adda Dambi Baadhista Federaalka Maraykanka (FBI) ayaa ku dartay liiska “Dadka aadka loo baadigoobayo” safiirka Iran u fadhiya dalka Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, iyo labo kale oo u dhashay Iran.

War-saxaafadeed kasoo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ay ku lug lahaayeen afduubkii Bob Levinson, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa FBI-da, kaasoo la waayay 9-kii Maarso 2007, xilli uu ku sugnaa jasiiradda Kish ee dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Iran weli kama aysan falcelin eedeymahan. Dhanka Pakistan, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, Shafqat Ali Khan, ayaa wargeyska Dawn u sheegay in dalkiisu uu ixtiraam u hayo safiirka Iran, gaar ahaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal.

FBI-da ayaa shaacisay boorar ay ku sawiran yihiin saddexda eedeysane, iyadoo sheegtay in hay’addu ay weli wado baaritaanno lagu ogaanayo doorka saraakiishan uga aaddan afduubka Levinson iyo suurtagalnimada in dowladda Iran ay isku dayday in mas’uuliyadda falkan dusha uga tuurto dad ama hay’ado kale.

Sida ay sheegtay FBI-da, Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ayaa ka tirsanaa hay’adaha sirdoonka Iran. Steven Jens, ku-xigeenka agaasimaha xafiiska FBI-da ee Washington, ayaa sheegay in saddexdan qof ay door weyn ku lahaayeen afduubka Levinson iyo qariyeyntiisa.

“Bob Levinson waxay u badan tahay inuu geeriyooday isagoo ka fog qoyskiisa iyo asxaabtiisa,” ayuu yiri Steven Jens, isagoo intaa ku daray in FBI-da aysan ka harin raadinta dadka arrintan ku lug leh.

Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaadday abaalmarin lacageed oo dhan $50 milyan oo la siin doono cid kasta oo keenta xog rasmi ah oo horseedi karta helitaanka Levinson.

FBI-da ayaa sidoo kale dalbatay in saddexda eedeysane — Amiri-Moghaddam, Daneshvar iyo Mohammadnia — lagu sameeyo su’aallo la xiriira kiiska Levinson.

- Advertisement -

Read more

Local News