Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Kormeerka Muungaab ayaa ujeedadiisu tahay sidii looga jawaabi lahaa cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.
Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada, sidoo kalena uusan jirin amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Muungaab ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kula socdo arrintaan, isagoo tilmaamay in madaxda qaranka aysan haatan usoo socon dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay Dowladda Hoose ee Xamar.
“Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkan, mana jiro qof ama dad idin barakicin kara ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkan waxaan leeyahay: Iimaanka Alle ha idin geliyo,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xad-gudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale. Wuxuu digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyo been-abuur ah oo raba in ay ku qaataan dhulka dowladda.
Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Agaasimaha Waaxda iyo Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag.