Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa rejo xumo ka muujiyay isfaham ay gaaraan hoggaanka dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo shalay mar kale ku shiray magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadan ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin marxalada adag ee dalku marayo, hubanti la’aanta siyaasadeed, kala taga dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo soo jeediyay in gacanta la qabto Xasan Sheekh ka hor inta uusan dalka burburin.
“Xldhibaanadu waxay ka welwelsan yihiin in iyadoo umadda Soomaaliyeed ka war sugaysay mudo laba bilood ah, shirarkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka, naawilayeen in ay soo baxaan go’aanno wax tar leh oo isu keeni kara umadda Soomaaliyeed ee kala irdhowday, ay nasiib daro tahay in shirkii u dambeeyey ee shalay uu kusoo dhamaaday, natiijo la’aan, iska daba wareeg iyo rajo-beel,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaran.
Sidoo kale waxay sheegeen in rajadii laga qabay in xukuumadda talada haysa lagu soo dabaalo xayndaabka dowladnimada ay mugdi ku jirto, isla markaana loona baahan yahay in xildhibaanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan u istaagaan badbaadinta wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed.
“Waa in aan qaadno talaabo kasta oo lagaga hortegayo, laguna xakamaynayo damacyada guracan ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Beesha caalamka ayey sidoo kale ugu baaqeen inay si deg-deg ah usoo fara-geliyaan xaaladda ka taagan dalka, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu xasilinayo siyaasadda iyo dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Golaha Samatabixinta Qaranka waxay ka walaacsanyihiin, marxalada adag ee wadanku jiro, hubanti la’aanta siyaasadeed, kala taga xukuumada iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, hubka sharci darada ah ee kusoo qulqulaya wadanka, abaaraha, isku dirka beelaha iyo dagaalada lagu qaadayo dagaano nabdoon, argagixisada, cadaalad darada, ku tarsifalka awoodyeed ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso, oo dhammaanod taabanaya maasirika iyo dowlad dhiska, mustaqbalkii iyo rajadii bulshada Soomaaliyeedna god dheer ku ridaya.
Waxa kale oo xildhibaanadu ka welwel-sanyihiin in iyadoo umadda Soomaaliyeed ka war-sugaysay mudo laba bilood ah, shirarkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka, naawilayeen in ay soo baxaan go’aanno wax tar leh oo isu keeni kara umadda Soomaaliyeed ee kala irdhowday, ay nasiib daro tahay in shirkii u dambeeyey ee shalay 20/07/2025 uu kusoo dhamaaday, natiijo la’aan, iska daba wareeg iyo rajo-beel.
Haddaba, Xildhibaanada Samatabixintu markay qiimeeyeen, mowqifka dowlada iyo miisaanka madasha mucaaradka waxay bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaan, in rajadii laga qabay in xukuumada talada haysa lagu soo dabaalo xayndaabka dowladnimada ay mugdi ku jirto, loona baahan yahay in Xildhibaanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, culimada, dhalinyarada, haweenka, wax garadka iyo ururada bulshada u istaagaan hormoodna u noqdaan badbaadinta wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed.
Waa inay qaadanaa talaabo kasta oo lagaga hortegayo, laguna xakamaynayo damacyada guracan ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso.
Sidoo kale, Xildhibaanadu oo dareensan isgoyska ayada ee soomaliya marayso waxay u mahad-celinayaan dhamaan beesha caalamka ee mudo dheer taageero garab istaag ah la barbar taagnaayd dowlad dhiska Soomaaliyeed, waxaanan ku boorinaynaa in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan kobcinta xasiloonida iyo horumarka dowlad-dhiska Soomaaliyeed.