28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Maxay Puntland ku sameysay markab labaad ee ay qabsatay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in howl-gal amni kadib ay fasaxeen markabkii labaad ee laga shakisnaa, kaasi oo ku sugnaa xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raascasyr.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in markabka si buuxda loo baaray, waxaana la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah. Sidaas darteed, markabka ayaa loo oggolaaday inuu si nabad ah uga sii shiraacdo xeebta.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weli uu socdo baaritaanka markabkii hubka siday ee dhawaan lagu qabtay xeebaha isla gobolka Raascasayr. Taliska ayaa ka gaabsaday bixinta faah-faahin dheeraad ah ilaa la soo dhammeeyo baaritaankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Raas-Caseyr, Mahad Cali Carcar ayaa shacabka uga digay inay ka feejignaadaan wararka been-abuurka ah ee lagu baahinayo baraha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay faafinayaan kooxo leh dano gaar ah.

“Waxaa jiraan dad rabaan inay abuuraan burcad si ay dadka badda ugu diraan, taasna waa in aan si mideysan uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliye Mahad Carcar

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa sheegay inay wadaan hawl-gallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo badqabka xeebaha Puntland, si looga hortago falalka sharci-darrada ah sida tahriibka, ganacsiga hubka iyo in kooxaha argagixisada sida Daacish ay helaan marin ay kaga faa’iideystaan xaaladaha amni-darro.

Ugu dambeyntiina, taliska booliska ayaa adkeeyay “in aysan marnaba oggolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin wax u dhimaya amniga.”

Si kastaba, Puntland ayaa ku andacoonaysa inay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo caddeysay in wixii ka dhasha baaritaanka markabka hubka siday laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News