25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidanka DF iyo Jubaland kadib markii Janan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Belexaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu dagaal culus ka dhex-qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Jubaland ee ku sugan aagga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ka dhacay qaybo kamid ah magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen labada ciidan, waxaana jiro khasaara kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagalka ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.

Ugu yaraan illaa 6 askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkam kuwaas oo labada dhinac ah waxaana sidoo kale dhaawacmay ku dhowaad 8 kale iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli rasaas xooggan laga maqayaa gudaha magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goojoogayaal ah oo ku sugan Beledxaawo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa helayo gurmadyo ciidan, waxayna uga sii dareysaa xiisadda dagaal ee haatan ka taagan halkaasi, taas oo horay looga digay.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Qorshaha magacaabista Janan ayaa billow ah dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka billowdo gobolka Gedo, isaga oo durbo ka dagay magaalada Beledxaawo taas oo dhalisay dagaalka culus ee maanta qarxay.

Todobaadkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u daabushay qeybo kamid ah Gedo, si ay usii xoojiyaan kuwii horay u joogay gobollaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News