25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Daawo: Cabdirashiid Janan oo xog xasaasi ah ka bixiyey dagaalkii Beledxaawo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u diray gobolka Gedo ayaa qabtay shir jaraa’id oo dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo uu ku faahfaahiyey, isagoo eedda wixii dhacay dusha ka saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Janan ayaa sheegay in ciidanka dowladda uu ku amray in aysan gelin dagaal sokeeye oo sida uu sheegay Axmed Madoobe uu ka hurinayo gobolka Gado, gaar ahaan degmada Beledxaawo, isagoo tacsi u diray dadkii maanta ku dhintay dagaalka.

“Waxaan aad uga xumahay in eedeysane Axmed Madoobe uu dadkeyga isku diro, maanta waxaa dhacday nasiib darro uu muddo ka shaqeynayey ninkaasi, dhaqaale ayuu ku bixiyey in reer Gedo ay is laayaan, maanta ayuu ku guuleystay, waana ka xumahay waxa dhacay,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu sheegay in Beledxaawo uu u tegay in ciidamada dowladda ee halkaas jooga uu xuquuqda u soo saxo, kadib markii loo diiday inay halkaas ka degaan saraakiil ay dowladdu u dirtay.

“Waxaan is weydiinayaa sababta ay dadka u leynayaan wiilasha uu afduubka u heysto Axmed Madoobe, wax uu siiyo malahan, baahi kasta oo qof dareemo ayaa heysata ciidanka Jubbaland, maanta wuxuu ciidankii weerarka soo qaaday u soo diray lacag uu ugu talagalay in dadkeygu ay isku laayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidankii deganaa goobtii uu ka soo degay uu amar ku siiyey in aysan dagaalamin, “Dhankooda waa diideen inay dagaalka joojiyaan, ilaa diyaaradii aan la socday ay hawada gashayna xabaddu waa dhaceysay, laakiin anigu waxaan ku dadaalay inaan dagaalkaas xakameeyo,” ayuu yiri.

Janan ayaa sheegay in ciidanka dowladda federaalka halkaas laga soo saaray, si ciidamada aan la isugu leynin, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey ciidan iyo saraakiil uu sheegay inay diideen inay ka qeyb qaataan weerarkii ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ay ku soo qaadeen ciidamada Qaranka.

“Waxaa xusid mudan in saraakiisha qaar ee Axmed Madoobe soo diray ay diideen inay la dagaalamaan ciidamada dowladda ee isku cadowga ay yihiin, Waxaan u mahadcelinayaa sarkaal lagu magacaabon Deeq Cabdi oo diiday inuu dagaalamo oo isagoo ciidan badan wata soo galay xerada ciidamada qaranka ee UK,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Cabdirashiid Janan u magacowday Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo, ahna madaxa guud ee hey’adaha amniga ee gobolkaas, safarkii ugu horeeyey ayuu maanta ku tegay Beledxaawo, isagoo wata diyaaradda ciidamada cirka, waxaana dagaal kala hor yimid ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe oo la waregay inta badan magaalada.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News