Muqdisho (Caasimada Online) – Fallaaganimada bareerka ah ee Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qarka u saartay kala-daadasho. Goosashada awoodaha ee maamulkiisa ee ka hor imanaysa dastuurka iyo la wareegistiisii sharci-darrada ahayd ee Markab shixnad militari oo qaran leeyahay ma aha falal mucaaradnimo siyaasadeed — waa falal fallaagonimo ah.
Xaaladdan adag ee jiritaanka dawladnimada khatarta ku ah, Dawladda Federaalka Soomaaliya ma awooddo inay kaga jawaabto si caga-jiid ah. Si maamulka Deni loogu qasbo inuu ku soo laabto nidaamka dastuuriga ah — loogana hortago kala-goyn intan ka sii badan — waa in Dawladda Federaalku adeegsato istaraatiijiyad ballaaran oo cadaadis xooggan ku dhisan.
Falanqayntani waxay soo bandhigaysaa qorshe dhinacyo badan leh, oo ka ballaaran go’doomin oo keliya, kuna jiraan cunaqabataynno la beegsanayo shakhsiyaad gaar ah, go’doomin diblomaasiyadeed, iyo adkaynta maamulka buuxa ee dawladda dhexe ay ku leedahay kaabayaasha badda. Kuwani ma aha oo keliya tallaabooyin ciqaab ah; waa aaladaha lagama maarmaanka u ah dawlad sharci ah oo difaacaysa jiritaankeeda, kana hortagaysa maamul jabhadaynaya oo gefay.
Cunaqabataynno bartilmaameedsan
Fallaaganimadani ma aha kacdoon shacab. Waa xeelad awoodeed oo uu si qorshaysan u hoggaaminayo Deni iyo koox yar oo ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato awood leh oo taageera kuna macaasha gefkiisa. Sidaa darteed, jawaabtu waa inay noqotaa mid bartilmaameedsan — oo si toos ah loola dan leeyahay horseedayaasha dhibaatada.
Xayiraad hanti iyo mid safar: Dawladda Federaalku waa inay si degdeg ah u diyaarisaa liiska shakhsiyaadka — oo ay ku jiraan Madaxweyne Deni, xubnaha muhiimka ah ee golaha wasiirrada, saraakiisha amniga, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee ku lugta leh — si loogu soo rogo cunaqabataynno gaar ah.
Iyadoo la kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah sida Maraykanka, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, waa in dawladdu ka shaqaysaa sidii loo xayiri lahaa hantidooda dibedda iyo in lagu soo rogo xayiraad adag oo dhinaca socdaalka ah. Tani waxay go’doominaysaa hoggaanka Puntland, waxay ka jaraysaa helitaanka nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, waxayna xaddidaysaa dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed.
Liiska madow ee dhaqaalaha: Isla mar ahaantaana, Dawladda Federaalku waa inay la shaqaysaa hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si liiska madow loogu daro shirkadaha iyo hay’adaha fadhigoodu yahay Puntland ee lagu helo inay ku lug leeyihiin falal dastuuri-darro ah, oo ay ku jiraan kuwa ku lug leh ka ganacsiga hubka iyo burcad-badeednimada. Tallaabooyinkani waxay jarayaan isha dhaqaale ee quudinaysa gefka Deni.
Cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid sharci
Hoggaanka Puntland wuxuu u dhaqmayaa sidii dawlad madax-bannaan oo kale (de facto state), isagoo si toos ah xiriir ula samaynaya dawlado shisheeye sida Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Dawladda Federaalku waa inay adeegsataa maqaamkeeda dawladnimo ee caalamku aqoonsan yahay si ay u burburiso dhalanteedkan diblomaasiyadeed una xoojiso go’doominta sharciyeed ee Puntland.
Ka faa’iidaysiga Golaha Ammaanka ee QM: Maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026), waxay haysataa fursad gaar ah oo ay ku caalamayn karto dhibaatadan. Dawladda Federaalku waa inay si rasmi ah uga codsato Golaha inuu cambaareeyo ficillada Puntland, iyadoo ku tilmaamaysa inay yihiin khatar ku ah nabadda iyo amniga. Waxay cuskan kartaa Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713 — ee ku saabsan Al-Shabaab — si ay ugu ololeyso in la xoojiyo kantaroolka federaalku ku leeyahay hubka iyo rasaasta u socota dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.
Marka ay Muqdisho soo bandhigto caddaymo muujinaya in fallaaganimada Puntland ay khatar gelinayso xasilloonida gobolka iyo in hubka la leexsanayo, waxay ku riixi kartaa qaraar dhammaan kaalmada amniga ee la siiyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka shuruud uga dhigaya kormeer toos ah oo DFS ay samayso.
Dacwad-qaadis dambi: Tallaabada sharciga waa in sidoo kale la xoojiyaa. Amarka xarigga ee loo jaray madaxweynaha Jubaland wuxuu abuurayaa tusaale cad. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waa inuu hadda ku oogo dacwado khiyaano qaran, kicin dadweyne, iyo burcad-badeednimo madaxweyne Deni iyo kooxdiisa soke, dacwadahaasna laga diiwaan-geliyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Xitaa haddii fulintu aysan isla markiiba suurtagal ahayn, eedeymahani waxay si rasmi ah dembi uga dhigayaan fallaaganimada, waxay meesha ka saarayaan sharciyadda hoggaanka Puntland ee masraxa caalamiga ah, waxayna dhigayaan aasaas sharci ah oo lagula xisaabtami karo mustaqbalka.
Adkaynta maamulka madax-bannaani buuxda
Fallaaganimada Deni waxay salka ku haysaa fikirka ah in Puntland ay u shaqayn karto sidii dawlad madax-bannaan — oo maamusha dhulkeeda, dekeddeeda, iyo kaabayaasheeda. Fikirkaas waa in si go’aan adag leh loola dagaallamo.
Go’doon Badeed: Sida ku cad sharciga Soomaaliya iyo Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, Dawladda Federaalka oo keliya ayaa leh maamulka buuxa ee biyaha qaranka iyo Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ). Dawladda Federaalku waa inay ku dhawaaqdaa aag kantarool badeed oo ka baxsan xeebta Puntland, kaasoo ku qasbaya dhammaan maraakiibta ganacsiga inay oggolaadaan baaritaan ay ku sameeyaan Ciidamada Badda Soomaaliyeed.
Markab kasta oo isku daya inuu ku soo xirto Boosaaso ama dekedo kale oo Puntland ku yaal iyadoon haysan ogolaansho federaal ah waa in la hor istaago. Tani ma joojin doonto oo keliya qulqulka sharci-darrada ah ee hubka, laakiin sidoo kale waxay carqaladayn doontaa ganacsiga taageera fallaagenimada Deni. Intaa waxaa dheer, Dawladda Federaalku waa inay ku dhawaaqdaa in dhammaan shatiyada kalluumaysiga iyo kheyraadka ee uu bixiyey maamulka Puntland ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo ka digaysa in hawl-wadeennada ajnabiga ah ee qandaraasyadaas gala ay wajihi doonaan tallaabo sharci ah.
Gunaanad: Qiimaha midnimada
Waddada cadaadiska way adag tahay. Laakiin waddada ficil la’aantu waxay horseeddaa burbur aan laga fursan karin. Fallaaganimada Madaxweyne Deni waa loolan toos ah oo lagu wajayo dawladnimada Soomaaliya — waana in lagaga hortago awoodda buuxda ee sharciga iyo madax-bannaanida dawladda.
Istaraatiijiyad dhammaystiran oo isku darsanaysa cunaqabataynno la beegsanayo iyo adkayn go’aan leh oo lagu soo celinayo awoodda federaalka ma aha oo kaliya lagama maarmaan — waa waddada keliya ee suurtogalka ah ee horay loogu socon karo. Soomaaliya ma awooddo inay ka laba-labayso. In hadda la gaabiyo waxay horseedaysaa kala-goyn qoto dheer waxayna awood siinaysaa kuwa doonaya ku noqoshada dagaal-oogannimo iyo sharci-la’aan.
Qiimaha midnimadu waa tallaabo go’aan leh. Waa in Dawladda Federaalku diyaar u ahaato inay bixiso qiimahaas.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

