28.8 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Xogta kulan maanta ka dhacay madaxtooyada Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye oo uu wehliyay musharraxa xisbiga ee maamulka, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay shaqo xooggan ka socoto, sida ay sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku ammaanay xisbiga qaran ee Sincad sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo maamul-wanaagga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa dhankiisa ka mahadceliyay kulanka, isagoo tilmaamay in guddiga doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii ay si degdeg ah ugu qabsoomi lahaayeen doorasho loo siman yahay.

28-ka bishan April ayaa loo ballansan yahay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacaan doorashooyin isku sidkan oo qof iyo cod ah, sida uu horey u shaaciyay guddiga doorashooyinka qaran.

Si kastaba, dowladda ayaa dooneysa in xildhibaannada ku soo baxa doorashooyinka maamulka ay doortaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hannaanka ay ku yimaadeen guddiga doorashooyinka iyo muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News