Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay hubkii uu booliska sheegay in laga soo saaray hoteelka Elite, inkastoo uu arrintaas beeniyay mulkiilaha hoteelka, wasiirkii hore ee amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Wasiir Fiqi ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid marqaati cad u ah dhagar uu sheegay inay maleegayeen mucaaradka iyo mashruuc ay kasoo qaateen shisheeye, kaas oo uu sheegay in lala damacsanaa dalka, gaar ahaan caasimadda, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa nasiib-darro weyn in dad mas’uuliyiin sheeganaya oo dalkan xilal muhiim ah ka soo qabtay ay isku dayaan dhagar intaa le’eg oo loo maleegayo dalkooda in ay qeyb ka noqdaan, waxaase Alle looga mahdinayaa in dawladdu ka hortagtay shirqoolkaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo haweysanaysa in ay qandaraas ku soo qaadato dhiig daadinta dadkeeda iyo dibin-daabyaynta dowladnimada ay u dambaynayso in ay ku hor fadeexowdo umadda iyo sharciga hortiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Wasiir Fiqi oo u muuqday mid ugu jees-jeesayo mucaaradka ayaa imanaya saacado kadib markii booliska ay sheegeen in hoteelka Elite gudihiisa lagu qabtay hub fara badan oo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus, ayna ka mid yihiin hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Sidoo kale, maalmihii dambe ciidanka booliska ayaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka waday howl-gallo hub ka dhigis ah oo lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Si kastaba, hubka uu soo bandhigay booliska waxaa beeniyay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah mulkiilaha hoteelka Elite, kaas oo sheegay in ciidamada dowladda ay xoog uga haystaan hoteelkiisa.
Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ku tilmaamay been abuur in hoteelka gudihiisa lagu qabtay hubka uu soo bandhigay booliska, wuxuuna sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hoteelka si looga been abuurto, loona sumcad-dilo ganacsigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

