25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Puntland oo sheegtay in DF ay hub badan geysay Gaalkacyo si ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay hub badan soo gelisay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa sheegay in maamulka uu hayo caddeymo la xiriira hubka la geeyay Gaalkacyo, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka dambeyso qorshe lagu qalqal-gelinayo amniga Puntland.

Cabdiraxmaan Dujaana oo wareysi siiyay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in hubkaasi uu hadda yaallo qaybta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo. Wuxuu xusay in hay’adaha amniga Puntland ay hayaan xog iyo caddeymo arrintaas ku saabsan, inkastoo uusan faah-faahin ka bixin nooca hubka, tiradiisa ama sida lagu helay xogtaasi.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Puntland aysan gacmaha ka laaban doonin xaaladda jirta, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyin amni oo ay isku difaaceyso, kuwaas oo looga gol leeyahay in looga hortago waxa uu ku tilmaamay qorshe ay waddo Dowladda Federaalka oo lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida Puntland.

“Magaalada Gaalkacyo waxaa la soo geliyay hub la rabo in lagu khalkhal geliyo ammaanka Puntland, annaguna waxaan qaadaynaa tallaabooyin amni,” ayuu yiri wasiir Dujaana, oo sheegay in hay’adaha ammaanka maamulka ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira arrintan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah ka soo saarin eedeymaha uu jeediyay wasiir ku-xigeenka amniga Puntland.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, isla markaana Puntland ay muddooyinkii dambe dowladda dhexe u jeedinaysay eedeymo la xiriira dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo faragelin dhinaca amniga ah.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii deegaanka Laag ee hoostaga degmada Boosaaso ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, eedeymaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isku beddelo iska hor imaadyo amni oo hor leh. Ilaa iyo hadda ma jiraan dadaallo muuqda oo lagu qaboojinayo xiisadda, iyadoo la sugayo jawaabta Dowladda Federaalka iyo sida ay uga falcelin doonto eedeymaha loo jeediyay.

- Advertisement -

Read more

Local News