25.1 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Trump oo shardi adag ku xiray dhaqan-galinta heshiiska nukliyeerka ee Sacuudiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska la xiriira tamarta nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga uu dhaqan-geli doono oo keliya haddii Boqortooyada Sacuudiga ay ku biirto heshiisyada Abraham, taas oo macnaheedu yahay inay si rasmi ah u aqoonsato dowladda Israa’iil.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, isagoo carrabka ku adkeeyay in heshiiska nukliyeerka uu ku koobnaan doono isticmaalka rayidka oo keliya, isla markaana aan loo oggolaan doonin wax kobcin (enrichment) ah oo horseedi karta adeegsiga militari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ansixinta heshiiska ay si toos ah ugu xiran tahay in Sacuudigu qaado tallaabada ku biirista heshiisyada Abraham.

Hadalka Trump ayaa lagu tilmaamay inuu dib u soo nooleeyay cadaadiska saaran Sacuudiga ee ku aaddan inuu caadiyeeyo xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, taas oo muddooyinkii dambe hakad ku jirtay sababo la xiriira dagaalka Gaza iyo xaaladda gobolka.

Maamulka Trump ayaa u arka heshiiska nukliyeerka iyo ballaarinta heshiisyada Abraham inay yihiin laba arrimood oo aan la kala saari karin, halka Sacuudigu uu hore u sheegay in caadiyeynta xiriirka Israa’iil ay ku xiran tahay in la helo xal cadaalad ah oo loo helo arrinta Falastiin.

Khubaro dhinaca amniga iyo hub-ka-dhigista ah ayaa ka digay in heshiis kasta oo u oggolaanaya Sacuudiga inuu yeesho barnaamij nukliyeer, xitaa haddii uu yahay mid rayid uu kordhin karo halista faafitaanka tiknoolajiyadda nukliyeerka ee Bariga Dhexe, oo horeba uga mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida.

Arrinta nukliyeerka ayaa muddo dheer ahayd qodobka ugu weyn ee khilaafka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran, iyadoo Washington iyo Tel Aviv ay si joogto ah uga walaacsan yihiin horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee Tehran, halka Iran ay ku adkeysaneyso inuu yahay mid nabadeed.

Sannadkii 2020, Trump ayaa garwadeen ka noqday heshiisyada Abraham, kuwaas oo horseeday in Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ay si rasmi ah u caadiyeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Israa’iil. Heshiisyadaasi ayaa markii dambe waxaa ku biiray Suudaan iyo Morooko, kuwaas oo iyaguna xiriir rasmi ah la sameeyay Israa’iil.

Hadalka ugu dambeeyay ee Trump ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka uu doonayo inuu dib u qaabeeyo siyaasaddiisa Bariga Dhexe, iyadoo isha lagu hayo mowqifka Sacuudiga ee ku aaddan Israa’iil, maadaama go’aan kasta oo Riyaad ay qaadato uu saameyn weyn ku yeelan karo isu dheellitirka siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News