25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Tahriibayaal Soomaali ah oo qaab yaab leh loo qariyay oo lagu qabtay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Lusaka (Caasimada Online) – Dowladda Zambia ayaa gacanta ku dhigtay toddoba muwaadiniin Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah loogu tahriibinayay gaari noociisu yahay Toyota Probox.

Tahriibayaashan ayaa lagu hoos qariyey jawaano bariis ah, waxaana la qabtay xilli gaarigii ay la socdeen uu ku sii jeeday xadka u dhexeeya Zambia iyo Zimbabwe.

Hay’adda dakhliga Zambia ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in gaariga lagu qabtay howlgal kormeer oo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen deegaanka Kapiri Mposhi ee gobolka Bartamaha, ka hor intii uusan gaarin marinka xuduudda ee Chirundu, oo ah marin muhiim u ah isu socodka Zambia iyo Zimbabwe.

Afhayeenka hay’adda dakhliga Zambia, Oliver Nzala ayaa sheegay in toddobada tahriibe iyo darawalkii gaariga, oo u dhashay Zambia, lagu wareejiyey Waaxda Socdaalka, si loo aqoonsado loogana qaado tallaabooyinka waafaqsan shuruucda socdaalka iyo masaafurinta ee dalkaas.

Mas’uuliyiinta Zambia ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Soomaalidaasi loo tahriibinayay Zimbabwe, ka hor inta aan loo sii gudbin Koonfur Afrika, oo ah dalka ay inta badan hiigsadaan tahriibayaasha ka imanaya Geeska Afrika iyagoo raadinaya fursado nololeed iyo kuwo dhaqaale.

Sawirro ay baahiyeen hay’adaha ammaanka ayaa muujinaya sida dadkaasi loogu qariyey gudaha gaariga, iyadoo dushooda lagu raray jawaano bariis ah si looga qariyo ciidamada ilaalada waddooyinka iyo kuwa xuduudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadan ay mar kale muujinayso xeeladaha ay adeegsadaan shabakadaha ka ganacsada tahriibinta dadka, kuwaas oo inta badan isticmaala gaadiidka ganacsiga si ay uga baxsadaan baaritaannada ay sameeyaan ciidamada ammaanka.

Ugu dambeyn, hay’adda dakhliga Zambia ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto howl-gallada lagula dagaallamayo tahriibka dadka iyo jebinta shuruucda socdaalka.

Zambia ayaa sannadihii u dambeeyey noqotay marin muhiim ah oo ay maraan tahriibayaasha ka imanaya Geeska Afrika, iyadoo dalkaasi uu ka mid yahay waddooyinka ay adeegsadaan shabakadaha tahriibinta si dadka loogu gudbiyo dalalka ku yaalla koonfurta qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News