24.4 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Xildhibaan Xaadoole: Waxaa Muqdisho ka dhacay oo aan goob joog u ahaa in nin loo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in caasimadda dalka ee Muqdisho ay sameysay isbeddel ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay horumar ka sameysay dhinacyada amniga, bilicda, ganacsiga iyo dhismayaasha, isaga oo arrintaas ku ammaanay dadaallada maamulka Gobolka Banaadir iyo siyaasadda fog ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan amniga iyo horumarka dalka.

“In dalkani horumaray waxaa lagu garan karaa in maanta la joogo heer nadaafadda iyo qashinka sharci laga soo saaro, qofkii lagu arko isagoo ku xadgudbayna maxkamad la soo taago. Guddoomiyaha gobolka arrintaas waa ku mahadsan yahay. Anigu waxaan goob-joog u ahaa xilli qof qashin hor yaallay uu oran jiray, ‘Qashinkayga igama qaadi kartid haddii aadan lacag i siin.’ Xitaa nin ayaa arrintaas xabbad lagula dhuftay. Maantana waxaa la joogaa heer qofka qashinka daadiya maxkamad la soo taago,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in horumarkaasi iyo fahamka ay bulshadu ka heshay muhiimadda nadaafadda aysan si iska timid ku imaan, balse ay yihiin natiijada dadaal iyo wacyigelin muddo socday. Waxa uu bulshada Gobolka Banaadir ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan dadaallada horumarineed.

“Dalku wuxuu gacanta u galay madaxweyne leh qorshe fog oo garanaya halka uu u socdo. Bulshadana waxaa looga baahan yahay inay garab siiso. Waxaa la gaari doonaa in dhallinyarada la marin-habaabiyay ee Al-Shabaab ku jira ay kasoo baxaan, dadkoodana dib ugu soo biiraan, isla markaana ay fahmaan halka dalku u socdo,” ayuu yiri.

Xildhibaan Xaadoole ayaa intaas ku daray in mustaqbalka dhow ay bulshooyinka Afrikaanka ahi Soomaaliya u soo shaqo doonan doonaan, maadaama uu muuqdo mustaqbal wanaagsan iyo horumar la taaban karo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo saaro kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole waa siyaasi cod dheer oo inta badan ka hadla arrimaha amniga iyo maamul-u-sameynta deegaannada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaa lagu yaqaannaa hadallo adag iyo taageero xooggan oo uu u muujiyo siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sidoo kale door muuqda ka qaatay abaabulka iyo hoggaaminta ciidamada deegaanka ee Macawisleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo dagaallo kula jira kooxda Al-Shabaab si looga saaro deegaannada gobolkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News