24.4 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Mareykanka iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis Nukliyeer

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa gaaray heshiis iskaashi oo ku saabsan tamarta nukliyeerka rayidka, kaas oo boqortooyada u oggolaanaya inay dhisto xarumo koronto oo nukliyeer ah, iyadoo adeegsanaysa teknoolajiyadda shirkadaha Mareykanka.

Heshiiska ayaa sidoo kale Sacuudiga u furaya waddo uu gudaha dalkiisa ugu kobcin karo uranium-ka, arrintaas oo durba dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan faafitaanka hubka nukliyeerka iyo tartan hub oo cusub oo ka qarxa Bariga Dhexe.

Waaxda Tamarta Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in heshiiska ay kala saxiixdeen xoghayaha tamarta Mareykanka Chris Wright iyo wasiirka tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman.

Heshiiska, oo loo yaqaan “123 Agreement”, ayaa dhigaya qaab-dhismeedka sharci ee u oggolaanaya dowladda iyo shirkadaha Mareykanka inay Sacuudi Carabiya ka caawiyaan horumarinta barnaamijkeeda tamarta nukliyeerka.

Wadahadallada heshiiskan ayaa socday muddo sannado ah, waxayna soo mareen maamulkii koowaad ee madaxweyne Donald Trump iyo maamulkii madaxweynihii hore Joe Biden.

Hase yeeshee, heshiiska hadda la gaaray ayaa ka duwan qorshihii maamulkii Biden, gaar ahaan dhinaca kormeerka caalamiga ah iyo xaddidaadaha ku saabsan wax-soo-saarka shidaalka nukliyeerka.

Kormeerka caalamiga ah oo la dabciyay

Heshiiska kuma jiro waxa loo yaqaan “Additional Protocol” ama Habraaca Dheeraadka ah, kaas oo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, IAEA, siin lahaa awood ay ku sameyso kormeerro kedis ah oo aad u ballaaran.

Habraacaas ayaa kormeerayaasha caalamiga ah u oggolaanaya inay si degdeg ah u booqdaan goobaha nukliyeerka, oo ay ku jiraan xarumo aan hore loogu dhawaaqin, haddii ay jiraan tuhunno la xiriira dhaqdhaqaaqyo qarsoon.

Maqnaanshaha nidaamkan ayaa walaac ku abuuray sharci-dejiyeyaasha Mareykanka iyo khubarada ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.

Heshiiska ayaa sidoo kale Sacuudi Carabiya u oggolaanaya inay kobciso uranium-ka iyo inay dib u warshadeyso qashinka nukliyeerka. Labada farsamaba waxaa loo adeegsan karaa soo saarista shidaalka xarumaha korontada, balse haddii heer sare la gaarsiiyo waxay sidoo kale noqon karaan waddo lagu sameeyo walxo loo adeegsan karo hub nukliyeer ah.

Tallaabadan ayaa ka duwan heshiiskii Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ee 2009, kaas oo Abu Dhabi ay ku oggolaatay inaanay gudaha dalka ka kobcin uranium-ka ama dib u warshadeyn qashinka nukliyeerka.

Maamulka Trump ayaa sheegay in heshiisku waafaqsan yahay xeerarka ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ee ku jira Sharciga Tamarta Atomiga ee Mareykanka, kuwaas oo Washington ay ku tilmaantay qaar ka mid ah nidaamyada ugu adag dunida.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer ku doodaysay in haddii aysan iskaashi la yeelan Mareykanka, ay tiknoolajiyadda nukliyeerka ka raadsan karto Shiinaha ama Ruushka, kuwaas oo leh shuruudo iyo heerar kormeer oo ka duwan kuwa Washington.

Congress-ka oo leh go’aanka kama dambeysta

Heshiiska ayaa hadda loo gudbinayaa Congress-ka Mareykanka, kaas oo haysta 90 maalmood oo ay labada aqal fadhiyaan si uu uga soo horjeesto.

Haddii Congress-ku uusan muddadaas ku ansixin qaraar lagu diidayo heshiiska, wuxuu si toos ah u dhaqan-geli doonaa 90 maalmood kadib.

Haddii madaxweyne Trump uu diido qaraar kasoo baxa Congress-ka, sharci-dejiyeyaasha waxay u baahan doonaan aqlabiyad saddex-meelood laba meelood ah si ay uga gudbaan diidmada madaxweynaha, taas oo ka dhigaysa in heshiiska la hor istaago arrin siyaasadeed oo adag.

Xildhibaano ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka digay in heshiisku horseedi karo tartan hub nukliyeer ah oo ka bilowda Bariga Dhexe.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa marar badan sheegay in boqortooyadu aysan doonayn inay samaysato hub nukliyeer ah, balse ay qaadi doonto tallaabadaas haddii Iran ay yeelato bam nukliyeer ah.

Senator Edward Markey oo ka tirsan Dimoqraadiga ayaa si adag u cambaareeyay heshiiska, isagoo ku eedeeyay maamulka Trump inuu Sacuudiga siinayo teknoolajiyad xasaasi ah, xilli Washington ay dagaal kula jirto Iran iyadoo ku doodaysa inay ka hortagayso barnaamijkeeda nukliyeerka.

“Waxay Sacuudi Carabiya u oggolaanayaan inay horumariso tiknoolajiyadda hubka nukliyeerka, iyagoo isla waqtigaas dagaal kula jira Iran, kuna andacoonaya inay ka hortagayaan bam nukliyeer oo Iran leedahay,” ayuu yiri Markey.

“Heshiiskani dhammaanteen ayuu amnigeenna sii yareynayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

- Advertisement -

Read more

Local News