24.4 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Muungaab oo digniin kale u diray dadka xoolahooda ku soo daaya caasimadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa mar kale ku celiyay in caasimadda Muqdisho aan laga aqbali doonin in lagu sii hayo xoolaha dab-joogta ah, gaar ahaan geela iyo lo’da, kuwaas oo dhibaato ku haya bulshada ku dhaqan magaalada.

Muungaab ayaa sheegay in maamulkiisu eegayo maslaxadda afarta milyan ee qof ee ku nool Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inaan la aqbali karin in geel lagu dhex daayo caasimadda, iyadoo la tixgelinayo bilicda iyo nadaafadda magaalada.

“Geel ku aala-miiteynaya Maka Al-Mukarama, Jidka Wadnaha iyo Warshadaha ma soconeyso. Haddii ay dadku soo daayaanna, annaguna meel aan ognahay ayaan kula aala-miiteyneynaa,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Wuxuu xoolaleyda ku dhaqan Muqdisho ugu baaqay inay xoolahooda ku dhaqdaan bannaanka magaalada, isla markaana wax-soo-saarkooda iyo manaafacaadkooda ganacsi ahaan u keenaan Muqdisho.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga iyo ilaalinta bilicda magaalada.

Wuxuu ku goodiyay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo majaxaabineysa amniga magaalada, isla markaana meel looga soo wada jeesan doono dadka lagu tuhmo inay carqaladeynayaan xasilloonida caasimadda.

Muungaab ayaa sheegay in muddadii u dambeysay Gobolka Banaadir laga sameeyay horumar ballaaran oo dhinacyada ganacsiga, dhismaha, waxbarashada iyo dowladnimada ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer soo saaray xeerar iyo digniino ku saabsan mamnuucidda xoolaha lagu sii daayo jidadka waaweyn ee magaalada.

Digniinahaas kadib, maamulka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole lagu qabanayo xoolaha lagu dhex daayo caasimadda, gaar ahaan lo’da ay xoolaleydu ku sii daayaan magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qabqabtay lo’ lagu dhex daayay suuqyada, bartamaha magaalada iyo waddooyinka waaweyn, kuwaas oo dhibaato ku hayay bulshada iyo ganacsatada.

Geela iyo lo’da lagu sii daayo waddooyinka ayaa sababa saxmad iyo shilal halis ah, kuwaas oo keeni kara dhaawacyo, khasaare naf iyo maalba leh.

Sanadihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay xoolaleyda, gaar ahaan geeleyda, kuwaas oo geela ku dhaqda xaafadaha kala duwan, habeenkiina ku sii daaya gudaha xaafadaha. Arrintan ayaa sababtay in geelu daaqo geedaha iyo dhirta lagu beeray magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News