27.2 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Ciidanka daacadda u ah Lafta-gareen oo hanjaabaad culus soo diray kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah Afhayeenka Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan ciidamadii shalay kasoo goostay dhankooda ee lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ugaas Xasan oo hadda ku sugan bannaanka magaalada ayaa sheegay inuu qiyaano sameeyay Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle Ibraahim Kalaay, isla markaana uu lasoo goostay saddex gaari, kana iibsaday maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Kalaay uu ahaa sarkaal muddo dheer lasoo dhaweeyay Lafta-gareen, balse hadda loo ballan qaaday xil cusub, sidaasna uu ku qiyaameeyay saaxibadiisa.

“Askari kamid ah ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo muddadii aan halganka ku jirnay intaba la shaqeynayay ciidamada oo la yiraahdo Kalaay ayaa sameeyay qiyaano qaran oo ah in hubkii Dowladda Koonfur Galbeed laba baabuur illaa saddex baabuur uu iibsado, una geeyo cadowgii Ummadda Soomaaliyeed kuwii shalay kusoo duulay shacabka,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in aysan niyad-jebin doonin arrintan, isaga diray hanjabaad culus, kuna dhaartay in dagaalka ay sii wadi doonaan, isla markaana ay xoreyn doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan u sheegeynaa shacbigeenna intii hore waan ka fiicanahay waan ka diyaarsanahay Wallaahi Baydhaba waan xoreyneynaa ciddii been moodeysow waan isku imaan doonaan,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Lafta-gareen.

Dhanka kale, wuxuu farriin u diray shacabka, isaga oo yiri  “Shacabka waxaan leenahay ha niyad-jebina taageeradiina waa innoo muhiim una diyaar garooba qabashada magaalada Baydhaba, maalmaa soo socda haddii Ilaahey idmo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dowadda Soomaaliya ay sheegtay in ay isa soo dhiibeen illaa 150 akari oo ay maleeshiyaad ku sheegtay, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada daacadda u ah Lafta-gareen

“Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, oo ay la socdaan qiyaastii 150 maleeshiyaad ah, ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay si cad uga soo goosteen maleeshiyaadkii uu marin-habaabiyay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka geysanayay deegaannadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku ah kooxda Cabdicasiis Lafta-gareen ee horay looga saaray magaalada Baydhaba, kadib isbeddalkii ka dhacay magaaladaas oo uu kusoo baxay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News