Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay qabsashadii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in halis ku tahay amniga qaranka.
Sheekh Shariif ayaa marka hore ka tacsiyeeyay askarta ku geeriyootay dagaalkaasi oo ugu dambeyn sababay in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawisleyda ay kasoo baxaan gudaha magaalada Maxaas oo muddo 13 sanno ahayd saldhig wayn oo laga hago dagaalka Shabaab.
Shariifka oo boggaadiyay dadaalka ciidamada isbaheysanaya ayaa haddana dhanka kale weeraray madaxda dowladda, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkooda dagaalka.
“Waxaa bogaadin muddan naf-hurnimada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka ee gobolka Hiiraan oo si adag ula dagaalamaya argagixisada duullaanka ah ee caadeysatay daadiinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Shariif.
Madaxweynihii hore oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qabsashada degmada Maxaas ay ku timid dayac la sameeyay, ayna sidoo kale tahay halis taabaneysa amniga qaranka.
“Waxaa halkaas nooga muuqato masuuliyad darro culus oo ka imaaneyso dhinaca dowladda Federaalka iyadoo ay muuqato dayac iyo halis taabanayso amniga qaranka, isla-markaana madaxda dowladdu ay dhagaha ka xirteen talloyiinka muhiimka ah” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya si weyn loogu dhaleeceeyay qabsashada Maxaas iyo magaalooyinkii kale ee ka horreeyay ee ay la wareegeen Shabaab, taas oo niyad jab ku keeneyso niyadda ciidamada oo horay u keenay guullo waawayn.
Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.
Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamul-goboleedyada dariska ah ee HirShabelle iyo Galmudug.