Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya kaga qeyb-galaya shirweynaha Qaramada Midoobey ee sugnaanta cuntada adduunka ayaa halkaas kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga kala dhaxeeya labada dowladood iyo xaaladda gobolka, sida ay shaacisay Villa Somalia.
Labada mas’uul ayaa waxay hoosta ka xariiqeen mudnaanta ay leedahay in wadajir looga wada shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah jiritaanka iyo horumarka shucuubta gobolka.
Inkasta oo Villa Somalia aysan soo hadal qaadin, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlay arrinta gobolka Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhaxeysa maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.
Kulankaan ayaa kuso aadaya, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya, oo iyadu si weyn u daneynayso gaarista badda.
Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.
Inkastoo Dowladda Federaalka ay sheegtay in si rasmi ah loo xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay Itoobiya, kadib dhex-dhexaadintii Ankara, haddana waxaa muuqata ifafaalo ay mar kale ku kala tagi karaan labada dhinac, maadaama ay Addis Ababa weli ka tanaasulin damaceeda badda.
Si kastaba, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Addi Ababa ayaa waxa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.