Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiradaha dowladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi, isaga oo la wadaagay qorshihiisa ku aadan horumarinta caasimada ee uu haatan ku howlan yahay.
Muungaab iyo danjiraha ayaa kulankooda uga wada-hadalay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Dowladaha Hoose iyo xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee dalka Talyaaniga.
Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta taariikhiga ah ee ay Dawladda Talyaaniga ka geysato dib-u-dhiska dalka, taageeridda dadaallada xasilinta Soomaaliya, asigoona tilmaamay in xiriir dhex mara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lambardia ee Caasimadda Roma ku taal uu gacan weyn ka geysan karo is-dhaafsiga khibrado iyo aqoon waxtar u leh hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Intaas kadib guddoomiye Muungaab ayaa la wadaagay Danjiraha Talyaaniga arrimaha hortebinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan horumarinta iyo dib-u-hawlgelinta kaabayaasha, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha, biyo-mareennada, arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda.
Dhankiisa Danjire Pier Mario Dacco’ Coppi, oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar, waxa uuna sidoo kale dhiirrigeliyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan shaqada ka socda caasimada.
Sidoo kale wuxuu boggaadiyay howlaha socda ee dib-u-dhiska, nabadaynta iyo la-dagaalanka Argagaxisada, isaga oo ballan qaaday in joogitaanka Talyaaniga ee gudaha Soomaaliya uu wax badan ka tari doono ka-miro-dhalinta dadaalladaas heerarka kala duwan ah.
Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee taageerada kala duwan siiya dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna howlo kala duwan iyo mashaariic ka fuliyaa gudaha dalka.