28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo wajahaya imtixaankii ugu dambeeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Xudur, xarunta gobolka Bakool.

Xudur waa magaalo muddo sanado ah go’doon ku jirta, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ka xireen wadooyinkii geli lahaa. Maalmo ka hor ayaa magaalada sidoo kale waxaa booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe waxaa sidoo kale wehliya wafdi kale oo kasoo raacay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Xudur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxda booqatay Xudur ayaa inta ay halkaas ku sugan yihiin la filayaa inay la kulmaan maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada si ay uga wada-hadlaan xaaladda amniga, nolosha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Xudur ayaa wajahaysa xaalado adag oo dhanka nolosha iyo amniga ah, waxaana muddo ka badan toban sano ay go’doon ku tahay cunaqabateynta Al-Shabaab. Waa booqashadii labaad ee ay magaaladaas si wadajir ah ku tagaan Lafta-gareen iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Isu-tagii hore ee Xudur

Ku dhowaad laba sano kahor ayay ahayd markii isla magaalada Xudur ay isugu tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Safarkaas ayaa xilligaas la sheegay in ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo markaas la filayay in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajigii ugu cuslaa ee dagaalka kooxda.

Hase yeeshe, nasiib darro ma dhicin sidii ay dowladdh sheegtay, waxaana laba sano la jooga halkii, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhanka cirka kasoo galayo Xudur, taas oo su’aalo badan dhalisay.

Tani waxay kordhineysa dhaleecaynta loo jeediyo madaxda dalka, oo lagu eedeeyo in aysan si dhab ah uga go’nayn dagaalka argagixisada, balse ay ka fiirsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyadeed.

Kadib fashilka, maxaa hadda la gudboon?

Dib isku qabashada ayaa laftigoodu mar kale horseedi karta guul aan la filayn, waxaana la gudboon madaxda haatan ku sugan Xudur inay kolkaan ka dhabeeyaan abaabulka dagaalka Al-Shabaab, balse uu socdaalkooda noqon safar kale oo aan waxba ka bedelin xaaladda.

Madaxweyne Lafta-gareen waxaa laga doonayaa inuu si dhab ah u wajaho xaaladda sanadaha badan taagan, booqdo xarumaha ciidamada, oo uu si dhab ah ugu kuurgalo xaaladda amni iyo tan nololeed, si loo dardargeliyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dejinta qorshe dhameystiran oo dhinac walba taabanaya waa tallaabada keliya ee lagu xoreyn karo magaalada Xudur, deegaanada ku hareeraysan, iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed, oo kamid ah meelaha ay saldhigteen maleeshiyaadka Shabaab.

Si kastaba, Xudur oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya, ayaa muddo ku jirta go’doon adag, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay ka hareereeyeen dhamaan afarta jiho ee magaalada, taas oo sababtay in shacabka magaaladaasi ay ku noolaadaan xaalad go’doon ah muddo ka badan toban sano.

- Advertisement -

Read more

Local News