27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xogta kulan xasaasi ah oo dhexmaray Xasan Sheekh iyo saraakiisha sare ee AUSSOM

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada AUSSOM ee gudaha dalka, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray isbeddelka hogaamineed ee uu keenay Danjire Diene oo dhawaan la wareegay xilka Madaxa howlgalka.

Waxyaabaha si gaar ah looga hadlay waxaa kamid ahaa marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM iyo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka, si buuxda loogu gacan geliyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ku jirto dagaal ba’an oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana uu muhiim yahay in howlgalka AUSSOM uu garab istaago dowladda, si gaar ah dhinacyada xog-wadaagga iyo isweydaarsiga khibradaha ciidamada.

Danjire Diene ayaa dhankiisa muujiyay in uu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo dowladda Federaalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhisidda awoodda ciidamada qaranka.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxa howlgalka AUSSOM, isagoo hormuud u noqon doona dib-u-habeynta iyo hagaajinta taageerada uu howlgalkaasi siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay, isla markaana uu hoos u dhac weyn ku yimid dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News