24.7 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Jubbaland oo war kasoo saartay dagaalka maanta, baaq lama filaan ah u dirtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalka saaka mar kale ka qarxay gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beledxaawo, kaasi oo mas’uuliyaddiisa ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in duullaanka ay bilaabeen ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan. Maxamuud Sayid ayaa tilmaamay in dhaawacyada la geeyay magaalada Mandheera.

Xildhibaannada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo ayuu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay in arrintan ay xal u raadiyaan, si uu yiri “uusan u sii fogaan dagaalka.”

“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Marka laga yimaado hadalka Maxamuud Sayid, waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiil ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dagaalkii saaka.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay Tuulada Amiin ee duleedka magaalada Beledxaawo, gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay weerar qorshaysan ku qaadeen cutubyo ka tirsan Jubbaland, kuwaas oo maalmaihii la soo dhaafay isku urursanayay tuuladaasi oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli horraantii dhammaadkii bishii hore ciidamada Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo.

- Advertisement -

Read more

Local News