25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Jubaland oo Mahad Salaad ku eedeysay dagaalkii maanta iyo tallabada ay qaadeyso

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa hey’adda NISA iyo Agaasime Mahad Salaad ku eedeeyey dagaalka ka socda gobolka Gedo, isagoo sheegay in hay’addaas ay ku soo duushay dadkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sayid Aadan ayaa intaas ku sii daray inay u dacwoonayaan caalamka, maadaam ay yihiin dad dowladoodii ay ku soo duushay sida uyu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee aagga Beledxaawo joogay saakay weerar gaadmo ah lagu qaaday oo la laayey.

“Markii aan arkay masuuliyad darada ay ku dhaqmayaan dadka ay soo dirsatay dowladda federaalka, waxaan ciidanka ku amray inay dib u baxaan oo wiilashu aysan isku dhamaan,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa la weydiiyey in ciidamadii Jubbaland ee dagaalka ku jabay ay u carareen dhanka Mandheera Kenya, wuxuuna taas ku tilmaamay been abuur, isagoo sheegay in ciidankii Jubaland ee saakay dagaalka galay ay weli joogaan aagga Beledxaawo.

Xildhibaannada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo ayuu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay in arrintan ay xal u raadiyaan, si uu yiri “uusan u sii fogaan dagaalka.”

“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Maanta waxaa tuuloouyin hoos taga Beledxaawo ka dhacay dagaal culus, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil u uku jiro Taliyihii Booliska ee Beledxaawo oo dhanka Jubbaland taabacsanaa iyo ciidan badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaalka.

Hoos ka dhageyso  Wareysiga Madaxweyne ku xigeenka

 

- Advertisement -

Read more

Local News