New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay dood furan oo ku saabsan amniga badda, oo uu qabtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku soo bandhigtay muhiimadda ilaalinta sharciga badda.
Wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga badda, oo ah aas-aaska isticmaalka badaha dunida si nabdoon oo ku dhisan iskaashi.
Soomaaliya oo sanadihii la soo dhaafay wajahaysay caqabado dhinaca badda ah, gaar ahaan burcad-badeednimada iyo kalluumeysiga sharci darrada ah, ayaa caddeysay “in u hoggaansanaanta sharciyada badda ee caalamiga ah ay lagama maarmaan u yihiin dhisidda kalsoonida dalalka iyo la tacaalidda caqabadaha badda.”
“Xushmeynta sharciyadan, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida dowladnimada, waa tallaabo muhiim ah si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo guusha dadaallada wadajirka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu yiri, “Hoggaansanaanta sharciyadan waa kuwo wax ka tari kara caqabadaha waaweyn ee badda sida burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci darrada ah, ka ganacsiga sharci darrada ah iyo khataraha deegaanka.”
Marka Soomaaliya la joogo, caqabadaha badda oo ay ka mid tahay kalluumeysiga sharci darrada ah, ayaa si weyn u saameeyay nolol maalmeedka bulshada xeebaha ku nool iyo dhaqaalaha dalka.
Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe wajahaysay damac guracan oo uga imanayay Itoobiya, oo isku dayday inay si sharci darro ah ku soo gasho biyaha Soomaaliya, kadib markii heshiis buray ay la gashay maamulka Somaliland, taas oo si adag uga hortimid dowladda dhexe.
Isku soo wada duubo, dooddan oo ahayd mid diiradda lagu saarayay amniga badda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay dalal xubno ka ah Golaha Ammaanka, mas’uuliyiin Qaramada Midoobay iyo khubaro badeed.

