25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Kadib dagaalkii shalay ee Gedo, DF oo ku dhawaaqday inay cafis u fidisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay cafis u fidisay dhammaan askarta ciidanka Jubbaland ee ku sugan daafaha magaalada Beledxaawo, oo haatan ay si buuxda gacanta ugu hayso dowladdu.

Ciidammada cafiska loo fidiyay ayaa muddooyinkii dambe la dagaallamayay ciidammada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Cafiskan ayaa shuruud looga dhigay inay isku soo dhiibaan ciidammada dowladda, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, Shire Cabdullaahi Keynaan.

Shire Keynaan, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa ugu baaqay ciidanka Jubbaland inay isku soo dhiibaan dowladda, isagoo xusay in ay markiiba heli doonaan xuquuqdooda.

“Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay cafis u fidiso askarta Jubbaland ee ku sugan bannaanka degmada haddii ay isa soo dhiibaan, lana shaqeeyaan ciidanka dowladda,” ayuu yiri Shire Cabdullaahi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay dhowrto deris wanaagga kala dhaxeeya Soomaaliya, ayna gacan ka geysato hub ka dhigista ciidanka u gudbay dhankooda.

“Kenya waa inay gacan ka geysato sidii hubkii looga qaadi lahaa ciidanka Jubbaland ee gudaha u galay xadka beenaadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya,” ayuu yiri Shire oo baaq u direy dowladda Kenya.

Waxa uu intaas ku daray: “Shacabku waa inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan xasilloonida guud ee deegaanka, oo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara nabadgelyo darro.”

Dhawaaqan cusub ee kasoo yeeray Dowladda Federaalka ayaa imanaya xilli ay shalay duleedka magaalada Beledxaawo ka dhaceen dagaallo culus oo sababay dhimashada iyo dhaawaca saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla Tuulada Amiin ee gobolka Gedo, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo la sheegay inay isku soo uruursanayeen ciidanka Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News