Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay dhaq-dhaqaaq ay ka bilaabeen ciidamo ka cabanayo mushaar la’aan.
Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish, waxayna ka cabanayaan daryeel la’aan caafimaad iyo sidoo kale xuquuq mushaari ah oo ka maqan.
Sidoo kale, ciidamada ayaa xirtay waddada hormarta isbitaalka wayn ee Boosaaso, iyaga oo xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee mara waddadaasi oo halbowle ah.
Qaar kamid ah askartan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, ayna dayacday xukuumadda Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale, waxa ay farriin culus u direen madaxda Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax looga qabto cabashadooda oo soo noq noqotay.
Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugan Boosaaso iyo saraakiisha Booliska ee gobolka Bari ayaan haatan wada dadaallo dheeraad ah, iyaga oo wada-hadallo la bilaabay ciidamada cabanayo ee maanta gadoodka ka sameeyay gudaha magaaladaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa isku dayay inay askartan ku qanciyaan in marka hore ay furaan wadada, waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Waa markii saddexaad oo ay ciidamadan sameynayaan gadood wayn oo laga dareemay magaalada Boosaaso, mana jiro illaa iyo hadda wax ay ka qabatay xukuumadda Puntland.
Gadoodka ay sameynayaan ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa dhawaanahan ku soo badanayay degaannada Puntland, waxaana ahayd maalmo ka hor markii ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aani ay xirteen laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, iyaga oo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ka xanibay aagga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.