Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb + Qorshihiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay u safraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo laga dareemaayo soo dhaweyntiisa.

Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah dowladda ayaa maalmaha soo socda ka bixi doono Muqdisho, iyaga oo gaari doono deegaannada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xarrig jaraya garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, iyada oo la filayo in munaasabad wayn lagu qabto halkaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardargelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka, isaga oo la kulmi doono saraakiisha ciidanka dowladda iyo madaxda dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kala hadli doono qorshaha dagaalka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada caasimada Dhuusamareeb, isaga oo kala hadli doono qorshihiisa la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Dhuusamareeb ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka socdaan ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana Madaxweyne Qoor Qoor oo shalay hadlay uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ku aadan hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana weli tabasho qaba xubnaha mucaaradka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News