Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay qorshe uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xirto xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay (UNSOM).
Qorshahan ayuu sheegay in uu khatar ku yahay hufnaanta doorashooyinka soo socda, isla markaana abuuri karta kala qaybsanaan qaran.
Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in dhimista doorka iyo kormeerka beesha caalamka ay fursad siin karto musuq-maasuq lagu maamulo doorashooyinka, taas oo u adeegta danaha dowladda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
โIska fogeynta bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee ay Soomaalidu hiigsanayaan,โ ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Sidoo kale wuxuu adkeeyay sii socoshada shaqada xafiiskan, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku booriyay inay sii wadaan wada-shaqeynta ay la leedahay QM iyo hayโadaha kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo caddaalad ah oo ay ka qayb-galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horraanta sanadkii hore ka dalbatau Qaramada Midoobay joojinta shaqada xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, iyadoo markaas sheegtay in la gaaray waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.
Inkastoo markii dambe uu hakad galay qorshahan oo guddiyo farsamo loo saaray, haddana waxaa muuqata in Dowladda Soomaaliya aysan weli ka harin xiritaanka xafiiskan, oo door weyn ka qaata xal u raadinta is-diidooyinka siyaasadeed ee gudaha dalka.