DF oo fulisay howlgal culus oo lagu dilay 100 Al-Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijta Al-Shabaab ay ka qoteen degmada Awdheegle.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

โ€œGodadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka,โ€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Dowladda ayaa sheegtay in xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee โ€œDuufaanta Aamusanโ€ oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose.

โ€œHowlgalkaan ayaa dhabar jab culus ku noqday kooxda, kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyey Sabiid, Caanoole iyo Bariire,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warkaan.

Hoos ka eeg bayaanka

- Advertisement -

Read more

Local News