Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Musharax Madaxweyne Maxamed Xuseen Rooble ayaa qabtay shir jaraa’id oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku weeraray, isagoo si adag uga hadlay bul boobka ka socda Muqdisho, wax ka bedelka dastuurka, khilaafka dowlad goboleedyada qaar, hanaanka doorashada oo aan caddeyn iyo muddo kororsiga loo sameeyey dowlad goboleedyada.
“Boobka iyo barakicinta lagu hayo qoysaska danyarta ah oo ay ugu horeeyaan qoysaska ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, waan cambaareynayaa, arrintaan waxay toddobaadkii hore sababtay isku dhac ciidan,” ayuu yiri Maxamed Rooble.
Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu mucaaradka mar ka aqbalay in wax ka bedelka dastuurka uu joojiyo, balse mar kale uu is beddelay, kuna adkeystay go’aankiisa.
“Markii hore Xasan Sheekh waa naga aqblay inuu ka laabto wax ka badelka Dastuurka, shan kulan ayaan la yeelanay, labadii hore wuxuu noo sheegay in qodobka dastuurka uu dhulka dhigayo, laakiin wuxuu isla goobtaas ku codsaday in la tashi uu ugu laabanayo kooxdiisa siyaasadda, kuwaas soo bedelay aragtidii Madaxweynaha, halkii ayaan taaganahay anaga, waa in dastuurka dhulka la dhigo, kadibna aan ka wadahadalno doorashada,” ayuu yiri Rooble.
Wuxuu weerar qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in kursiga ay sharci darro ku joogaan, Sharaf darrana ay ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, iyadoo waxaas oo dhan uu masuul ka yahay Xasan Sheekh, sida uu hadalkiisa u dhigay.
“Dowlad goboleedyada qaar waxaa madaxweynayaashooda loo sameeyey muddo kororsi sharci darro ah, iyadoo aan loo marin hanaan dastuuri ah, mid federaal iyo mid gobol, waa arrin meel ka dhac ku ah dowladnimada, dhowr jeer ayaan kala hadalnay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna si cad noogu yiri aniga waa ii dhisan yihiin, waana sharci,” ayuu yiri Rooble.
Rooble ayaa intaas ku sii daray in Xasan Sheekh ay iyagu dhiseen, maadaama uu ahaa oday dalka soo xukumay oo bulshada ka dhex yimid, balse uu ku noqday “horror aan naxariis laheyn oo ka beensheegay Kitaabkii u uku dhaartay” sida uu hadalkiisa u dhigay.
Markii uu ka hadlayey arrinta Gedo, wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu halkaas ka dhisayo Jubbaland cusub, balse arrintaas uu horay ugu hungoobay Farmaajo, “Madaxweynow ka jog ayaan dhowr jeer dhahay, laakiin waa diiday, waana kala dhantaalay reer Jubbaland,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Jubbaland iyo Puntland ay ka caroodeen wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka, balse markii ay dhex dhexaadi maageen uu Xasan Sheekh, si cad ugu sheegay in labadaas maamul uusan la heshii karin, oo madaxweynaha isaga ka dambeeya uu u deynayo.
Sidoo kale, Rooble wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u eedeeyey in uu burburinayo maamulka Somaliland, isagoo meesha ka saaray wadahadalladii socday, sidoo kale wuxuu sheegay in horay uu u diiday in wax cilaaqaad ah uu la yeesho dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
“Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono, waana la socotaan burburka iyo caqabadaha lagu jaayo Somaliland, laakiin anaga raali kama nihin madaxweynahana waan u sheegnay,” ayuu yiri Rooble.
Ra’iisul wasaarihii hore wuxuu eedeyntiisa ku sii daray in dowladda federaalka ay mar kasta is hortaagto macaawinada yar ee caalamku u soo dhiibo Somaliland, taas oo loo marsiiyo dowladda federaalka.
“Intaas waxaa u sii dheer, dacaayado raqiis ah oo madaxda dowladda ay mar kasta warbaahinta u mariyaan Somaliland, marka Somaliland waxaan u sheegayaa inaan uga tacsiyadeynayo aragti la’aanta iyo faham la’aanta dowladda federaalka ka heysata arrimaha Somaliland, marka waxaan idin leeyahay horay u socda, waana idin garab taaganahay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Hoos ka daawo